Laascaanood oo Xabadi Ka Dhaceysay Goolada Badhtamaha Magaalada ilaa Nawaaxiga

Laascaanood oo Xabadi Ka Dhaceyso Goolada Badhtamaha Magaalada ilaa Nawaaxiga Xaafada Ex Kaantarool Lama Garanayo ilaa iyo hada Khasaaraha

Waxaa Suurtagal ah in ay jiraan iska hor imaad Hubeysan, iyadoo Caweysinkii Caawa la Sheegay in Ciidamada Somaliland toogteen Mid Kamid ah, Shacabka Laascaanood oo Ciidamadu ku amreen innuu qoriga dhiibo Marxuum Maxamuud Saadle, Askartu qoriga Ka qaadeen midna Xabad ku Ridey, Sidaana uu Ku Geeriyooday Marxuumku, Eeriyada Goolada ee Badhtamaha Laascaanood.

Wararku Waxa ay intaa Ku Dareen in Dad badan oo Kamid ah Shacabka Reer Laascaanood ka Gadoodeen, Dilka Marxuumkaasi islamarkaana, ay Rasaas isweydaarsadeen Ciidankii Goolada Ku Sugnaa, ee Marxuumka toogtey, Waxaaney Wararku sheegayaan in Labada Dhinacba Khasaare soo gaadhey haseyeeshee, ilaa iyo hada lama Sheegin inta uu gaadhsiisan yahey Khasaarahaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker