Danjiraha dawladda UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya David Concar Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(OWN)- Danjiraha dawladda UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya David Concar, oo booqasho ku yimid dalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland, Waxaanu xusay in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska. Siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa Safiirka Ingiriiska u fadhiya Somaliland iyo Soomaaliya, David Concar, uu twitter-kiisa ku sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen shaqo abuurka, siyaasadda mandaqada Geeska Afrika, qorsheyaasha u diyaar garowga doorashada baarlamaanka iyo horumarka laga sameeyey mamnuucida gudniinka fircooniga ah (FGM)ka.

Geesta kalena danjire David Concar oo dhawaan jaaliyadda Somaliland kulan kula yeeshay magaalada London, ayaa la weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo inuu Safiir u wada yahay Somaliland iyo Soomaaliya iyo in kale, waxaanu daboolka ka qaaday inuu safiir u wada yahay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya labadaba. Waxa kaloo uu intaas ku daray inkastoo fadhigiisu yahay Muqdisho haddana Somaliland tahay dal labaad oo uu safiir u yahay. Waxaanu safiirka ingiriisku tilmaamay inuu booqashooyin ku yimaado Somaliland oo uu la socdo xaaladda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker