Mid Ka Mid Ah Ilaaladii Usama Bin Laden Oo Ku Nool Dalka Jarmalka, kana Qaata Lacagta Daryeelka Dowladda. 

Nin u dhashay dalka Tunisia oo la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ilaalin jiray hoggaamiyihii la dilay ee Alqaacida Usama Bin Laden ayaa la sheegay in uu muddo sanado ah ku nool yahay dalka Jarmalka, kana qaato lacagta
daryeelka dowladda.

 

Bishii waxa uu helaa €1,168 oo lacagta Yurub ah, wuxuuna dalkaas ku noolaa laga soo bilaabo sanadkii 1997-dii.
Lacagtan ayaa la soo bandhigay kadib markii xisbiga fog ee AfD uu dowladda ka codsaday in ay shaaciso lacagta uu helo ninka oo loo yaqaano Saami A.

Warbaahinta Jarmalka ayaan faafin magaca ninkan oo dhamaystiran si loo illaaliyo xogtiisa shaqsiyadeed.
Bin Laden ayaa hoggaaminayay ururka Al Qaacida, isaga oo amray weerarkii lagu qaaday daaraha dhaadheer ee Maraykanka sanadkii 2001-dii, sida ay baahiyeen warbaahinta Dalalka reer Galbeedku.

 

Ninkan mar ahaan jiray waardiyaha Bin Laden ayaa la baadhay sanadkii 2006-dii, balse ma jiraan wax dacwado ah oo lagu soo oogay.

Waxa uu la nool yahay xaaskiisa oo Jarmalka u dhalatay iyo afar carruur ah, isaga oo degan magaalada Bochum.
Codsigiisa magangalyo doonimada ayaa la diiday sanadkii 2007-dii maaddaama dowladda u aqoonsatay in uu yahay halis amni.

Balse sidaas oo ay tahay lama tarxiilin baqdin laga qabo in marka Tunisia lagu celiyo in la jidh dilo.

 

Dagaalka Ganacsi Ee Dawladaha Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Meel Xaasaasiya Gaadhay Shiinaha, 25 Abriil, 2018 (Himilo) – Dawladda Shiinaha ayaa qaadaya talaabadii ugu horeysay oo ka dhan ah dalka Maraykanka xili labada dal uu ka dhex qarxay dagaal xagga ganacsiga ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu qarxay kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu cashuuro dheeraad ah ku soo rogay birta Shiinuhu u dhoofiyo Maraykanka. Haatan shiinaha ayaa ganaax lacageed oo dhan 178.6% boqolkiiba ku soo rogaya beeralayda Garowga ee dalka Maraykanka.

Hadhuudhkan ayaa inta badan loo dhoofiyaa dalka Shiinaha, waxaana loo dhigaa xoolaha, iyada oo sidoo kale lagu daro khamriga lasoo saaro. Maraykanka ayaa hore ugu eedeeyay Shiinaha in ay ku dhaqmaan ficilo ganacsi oo xagal
daacin ah, iyaga oo xitaa shirkadaha Maraykanka ku qasba in ay la wadaagaan sirta tiknoolajiyadda ay Maraykanka ku isticmaalaan, taas oo ka dhan shuruucda caalamiga ah ee ganacsiga.

 

Shiinaha ayaase toddobaadkii hore ku dhawaaqay wax u eg in Maraykanka lagu qancinayo, taas oo ah in marka la gaadho sanadka 2022-ka la ogolaan doono in shirkadaha shisheeye ay boqolkiiba boqol yeelan karaan ganacsiyada ay ku leeyihiin dalka Shiinaha.

Shiinaha ayaa dhanka kale ku eedeynaya Maraykanka in ay badeecado ka qiimo ka jaban ka suuqa ku iibinayaan gudaha Shiinaha, taas oo ay sheegeen in ay dhaawacayso suuqa , beeralayda iyo warshadahaba. Maraykanka ayaa dhankiisa sii wada ciqaabta ganacsi ee ka dhanka ah Shiinaha, toddobaadkan waxa ay mamnuucid 7 sano ah ku soo rogeen shirkad kasta oo aalado ka iibisa shirkadda taleefoonada weyn ee Shiinaha  Wakiillada ganacsiga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay dersi doonaan talaabada shiinaha ee ka dhanka ah hadhuudhka, kana fikirayaan sidii ay u hor-geyn lahaayeen Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker