Maxkamad Ku Taal Turkiga Oo Xabsi Ku Xukuntay 13 Saxafi Oo Dalkaasi Ka Hawlgala

Maxkamad ku taal dalka Turkiga ayaa xabsi ku xukuntay saddex iyo toban qof oo iskugu jira weriyeyaal, maamuleyaal iyo farshaxanno ka tirsan wargeyska mucaaradka ah ee Cumhuriyet, oo dawladdu ku eedaysay in ay gacan siinayeen ururo argagixiso ah oo sharci darro ah.

Dacwadaha lagu oogay waxay la xidhiidhaan sida wargeysku uga waramay ururka Kuridiyiinta ee PKK, kooxaha bidixda fog iyo shabakad lagu eedeeyey af-gembigii dhicisoobay. Gudoomiyaha wargeyska, Akin Atalay, ayaa isaga hore loogu xukumay todoba sanadood oo xadhig ah, waxaanu haatan xabsiga ku jiray mudo sanad iyo dheeraa ah.

Weriyeyaasha kale iyaga weli lama xidhin oo waxa la sugayaa go’aanka ka soo baxa racfaanka ay qaateen. Saddex weriye oo kale oo ka tirsan isla wargeyskaa ayaa iyaga wax dambi ah lagu waayey. Tifaftirihii hore ee wargeyska, Can Dundar, ayaa se isaga dacwad gooni ahi ku soccotaa.

Xadhiga weriyeyaashan ayaa dunida ka cadhaysiiyey, waxaanay ururrada u dooda xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen xukuumadda Turkiga in ay cabudhinayso warbaahinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker