Maalqabeen Faransiis ah Oo Loo Xidhay Musuq-maasuq Uu Ka Sameeyey dalal Afrikaan ah

Booliiska dalka France ayaa Salaasadii shalay xidhay Maalqabeenka Vincent Bolloré oo ah Bilyaneer u dhashay dalkaasi oo su’aalo laga weydiinayo danbiyo lagu tuhunsan yahay oo la xariira inuu musuq maasuqay Madax Afrikaan ah si uu u helo mashaariic uu kula wareegay Dekaddaha dalalka Togo iyo Guinea.

Maalqabeenka shirkadiisa weyn ee loo yaqaan Bollore ayaa kamid ahayd shirkadihii doonayey inay la wareegaan dekadda magaalada Berbera oo ay uga hormartay shirkadaha laga leeyahay Imaarada Dubai ee DP World.

Baaritaanka ku socda Mulkiilaha Bollore ayaa la xariirta inuu si shaqsiyan ah taageero ugu fidiyey Madaxweynayaasha dalalka Togo iyo Guinea oo u saxiixay heshiisyada shirkadiisa kula wareegtay dekadda Lomé port ee wadanka Togo oo ay la wareegtay 2010 iyo Dekadda kale ee Conakry ee wadanka Guinea oo ay la wareegtay sanadkii 2011.

Xafiiska Madaxa banaan ee la dagaalama Musuq Maasuq ee wadanka France ee loo yaqaan Financial crimes unit ayaa horey baaritaan ugu sameeyey shirkado kale oo laga leeyahay wadankaasi oo lagu eedeeyey inay musuq maasuqeen madax afrikaan ah si ay u helaan mashaariic, sida shirkada Pefaco group oo iyaduna lagu eedeeyey inay mashaariic dhismaha hotelo iyo xarumo khamaar ku heshay qaab musuq maasuq ah.

Shirkada Bollore oo ah mid leh faracyo kala duwan sida Dhismaha, Gaadiidka, Warbaahinta, Xayeysiinta iyo Maraakiibta ayaa la sheegay inay gacan weyn siisay Ololihii doorashada ee Madaxweynayaasha dalalka Togo & Guinea.

Shirkada Bollore ayaa la sheegay inay maalgelisay ololihii doorashada Madaxweynaha Guinea Alpha Condé iyo Madaxweynaha Togo Faure Gnassingbé.

Madaxweynaha Guinea Alpha Condé ayaa markii uu xilka qabtay awoodiisa u adeegsaday shirkadii horey u maamuli jirtay dekadda Conakry isagoona ku wareejiyey shirkada Bollore. Shirkadii horey u maamuli jirtay dekaddaasi ayaa ah mid laga leeyahay isla dalka France oo lagu magacaabo NCT Necotrans, shirkadaasi oo loolan kula jirta Bollore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker