Cadho ka dhalatay Dhalinyaro Jaas ku dul Ciyaaray Qabrigio Nabi Muuse CS

Waxay cadho weyni ka dhalatay fal meel ka dhac ah oo ay dhalinyaro reer Falastiin ahi u geysteen qabriga Nabi Muuse CS.

 

Dadweynaha falastiiniyiinta ayaa si adag uga fal celiyay qoob ka ciyaar lagu dul sameeyay goobta loo yaqaanno โ€œMaqam al-Nabi Musaโ€ ee ku taalla Daanta Galbeed.

 

Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer Falastiin ayaa canbaareeyay Xafladdaas qoob ka ciyaarka ah oo fiidnimadii maalintii Sabtida ahayd ee lasoo dhaafay lagubdul dhigay masaajidka iyo qabriga Nabi Muuse, nabadgalyo dushiisa ha ahaatee.

 

Muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay rag dhalinyaro ah oo kaย  jaasaya goobtaas, iyagoo sidoo kalena khamri ku cabaya gudaha dhismaha qabriga nabi Muuse CS, sida ay shaacisay BBC-da laanteeda afcarabiga.

 

Waxaa lagu soo warramay in xabsiga loo taxaabay fanaanad u dhalatay Falastiin oo lagu magacaabo Sama Abd al-Hadi.

 

Raโ€™iisul Wasaaraha Falastiin, Muhammad Shtayyeh, ayaa magacaabay guddi loo xil saaray in ay baadhitaan ku sameeyaan dhacdadaas.

 

Warar soo baxay ayaa sheegay in dhalinyarada fasax loo siiyay in ay goobtaas damaashaad iyo xaflad ku sameystaan.

 

Hase ahaatee, masโ€™uuliyiinta Falastiiniyiinta ee deegaankaas ku sugan ayaa beeniyay in ay bixiyeen fasax Ogolaanaya in masjidka lagu sameeyo xaflad.

 

Meydka Nabi Muuse ayaa la aaminsan yahay in uu ku aasan yahay meel u dhow magaalada Jericho oo ka tirsan dhulka Daanta Galbeed ee bariga Qudus.

 

 

Goobta uu qabriga ku yaallo ayaa magac ahaan loo yaqaannaa โ€œNabi Musaโ€, sanad walbana waxaa siyaaro u taga dad falastiiniyiin ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker