Dawlada Kuwait Oo Markale Ku Baaqday Xalinta Khilaafka Dalalka Khaliijka

Dowlada Kuwait ayaa sheegtay inay weli socdaan dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka. Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada ee Kuwait Khaled al-Jarallah oo Salaasadii shalay la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in la xaliyo khilaafka kala fogeeyey dalalka Khaliijka.

Wasiirka Kuwait ayaa sheegay in hadii khilaafkan sii jiitamo uu khasaare ku keeni doono guud ahaan xasiloonida iyo horumarka gobalka.

Wuxuu sidoo kale Khaled al-Jarallah sheegay in xiisada ka dhex aloosan dalalkaasi ay dib u dhac ku keentay mashaariic badan oo ay horey u wada qaban jireen dowladaha GCC, wuxuuna sheegay in docda kale ay dib u dhacyo ku yimaadeen wadahadaladii Khaliijka kula jiray dalalka caalamka sida wadanka Maraykanka.

Bishan April ayaa lagu waday in magaalada Washington ee caasimada Maraykanka ka dhaco shirweyne dalalka Khaliijka (GCC) iyo Maraykanka, shirkaasi oo dib loogu dhigay bisha September maadaama xiligan aan weli xal loo helin xiisada u dhaxeysa qaar kamid ah dalalka Khaliijka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker