Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Nin La sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Muqdisho(OWN)- Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Xarunta Dambi-baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeyn Nin la sheegay in uu ka tirsanaa Kooxda Daacish.

 

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Jaamac Xuseen Xasan ayaa booliska Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe uu ku biiray Kooxda Daaciish oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya kana dagaalanta Wadamada Siiriya iyo Ciraaq.

 

 

Jaamac Xuseen Xasan oo ah Ninka lagu eedeeyey in uu ka tirsanaa Daacish ayaa Warbaahinta waxa uu u faah faahiyey halka laga soo qabtay iyo waqtigii uu ku biiray kooxda Daacish,waxa uuna sheegay in uu ka yimid Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

 

 

Booliska ayaa sidoo kale waxa ay soo bandhigeyn Miino la sheegay in isaga oo dhigaya lagu qabtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker