WAX BADAN AYAA LA ASTURAY CEEBAHA IYO LABA WEJIILANIMADA UURCADE KULA DHEX JIRAY XISBIGA WADANI DAAWO

Waxaa sawirkan basaas maxamed cabdillahi Uurcade laga qaaday wax yar uun ka hor isagoo sir u gudbinaya wasiirkii hore ee madaxtooyada maxamud xashi cadi waxaase la yidhi geelow soco oo markaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa, wax badan ayaa loo seeto dheereeyey balse waxaa uu is yidhi lagu arki maayo oo meeshu waa hargaysa, waxaase la yidhi tab hayow lagaa tab hayee, waxaa kale oo la yidhi kii dhuumanaayee dhabarku muuqdaw waa dharaar lagu dhawrayaaye xisbigaaga dhinac ka raac, haduu weriyayaaashii ku xanaaqayaa leeyahay adeerkaa ciraa sidaa yidhi miyaa subxaanaka yaa cadiim halkan ka eeg sawirka uu gudbinayo sirta
 
 
Bahdii in Muuse biixi iyo wixii Baadil ugu Hiishay
Bakhti noolayaashii Jigjiga yar qaadka ku canaysay
Ee uu Baarqab koodana ahaa Beeja Qabe muuse
Basaasiintii haday soo baxeen waxay is dhuubaanba
Bulshadeena oo idil kuwii Baabah kaga siiyay
Ee Badi maalkooda dhacay baaqina aan reebin
Maatidiina Boobee dhamaan sacabka sii leefay
Inuu Bixitinkoodii yahaan Uurcade u arkaayeee.
Bilcaan Uurleh oo Basteed Caato socon waayday
Ama Boxosh Oday ahoo Ciradu Qarisay baydiisa
Iyo Bilo Saqiirkii Jiraad Xabsiga ula badhedheene
Nabsi Biiray weeyiyo walee bixitin kiiniiyee.
Barni Gabadha oo Bilicsanoo Baayir laga dhiibo
Oo Boqoradii Dumar ahoon Laacdin Barad Gaadhin
Hadaydaan Bidood dhaba ahayn iyo Basaas Liita
Gabadh yar oo xamar tagtey jeelka kuma ilowdeene

Doqonaduu Siilaanyo Tabciyo Qudhinki uu Beeray
Ee uu soo bar baarshee wax badan Buuga u dhigaayay
Iyagoon Halbeegii Qorshaha toos u wada Buuxin
Balaayaa Taf Taaftoo iyagii baa is wada siloon maanta

Baryadii ilaahee Shacbigu uu wax badan Tuugay
Lama Baajin Dalabkoodiyo waakan soo baxaye
Kowna Balo Majoogtoo waa Bilaw tanuye
Birtoo laga Aslay sugahayaan Maxastay Baadheenee
Basaas uur cade iyo kuwo kale oo xisbigu buste saarayey si aanay hadii la sheego ama la yidhaa waa laydin qabtay afka gacanta isaga gelin sida manta Uurcade u qaylinayo ayaa looga aamusay balse manta alamtarana soo dhaaf mar hadii basaasnimadiisii najaxday manta wax uu u sii joogaa ma jirto maa daahir yaa shamis arrintu, waxaan odhan lahaa ama Qabiil ku waalo oo weligaa baad muuse u basaasaysay qabiilna uGu basaasaysaye ama sidaa yaan doqonimadaada la sii ogaane iska aamus ama waxaad ka heshaad leedahay waxaan soo wadnaa sawiro badan oo aan ka hayno mudo dheerna la daba socday basaas Uurcade.
CABDI CALI OBSIYE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker