Warbixinta kooban ee Af-hayeenka khaaska ee Madaxweynaha JSL Muuse Bixi Cabdi Akhriyey Maalinnimadii Axda Waxay aheyd mid wax u dhimaya Hanaanka iyo Hogaanka Dawladnimada JSL?

Waxa ka muuqday  Warbixinta koobneyd ee Af-hayeenka, Madaxdweynaha JSL Shalay Axdii uu  ,Akhriyey inay aheyd mid mugdi  weyn  oo  ka shakigiisa  iyo layaab kii sa ba leh   ! Kuma darin hadii ay tahay  Hab-cusub oo Madaxweyne  Muuse Bixi Cabdi curiyeey oo ka qayb ah Siyaasadiisa  iyo Hababka uu doonaayo inuu Dalka ,ku hago,kuna hogaansho .

Meesha mugdiga weyni ku jira waxa weeye waxa Af-hayeenku yidhi: Wafti balaadhan oo  Khaliijka Carabta, ka socda ayaa Madaxweynah  Qaranku Md Muuse Bixi qaabilay. Waxayna Waftiga Khalijka Carabtu  raali-galin ka bixiyeen hadalkii uu yidhi  Wasiru-dawlaha Arimaha debada ee Khaliijka Carabtu ee shakiga iyo u qaadan waaga  ku dhaliyeey Ummada JSL  walin hadal heyntiisi iyo  qaada dhigisi si weyn bulshadu isugu dhiib dhibayso ama isu la wadaagayso .

Waxaan Caqliga saliimka ah aanu qaadan karin rumaysan karina ayaa loo dhiibay Inan ka dhalinyarada ah ee ku Magcaaban Af-hayeenka gaar ka ah ee Madaxweynaha JSL.  Ila  hada Ummada   Jamhuuriyad Somaliland ee caadiag ahi waa yaabsan tahay waxa   Axda Maalinnimadeed  Warbixinta ka soo  yeedahay Aqalka dalka looga arimyo ee Madaxtooyada .

Waxayna tahay ta yaabka iyo Amag-kaaga keentey  in inaan la arag wax wafti lagu tilmaami karo oo Dalka Garoonkiis, Diyaaradu ka haadan kan soo degaan laga soo galbiyeey amaba loo sii galbiyey .

Ta kale side ayeey u dhici karta ayaado arinta muranka iyo shakiga abuurtay ay taagan tahay?  Xukumada Muuse Hogaamiyaha ka yahay lagu eedeynaayo inay Qaranka ,Hog iyo Hadaan u qoday xukumadii kulmiye hore ta Maantana,  iyadu ciida ku sii rogtay u qarin karaan  wax eedaha  ka difaaci kara Ummadan qalbiga iyo quluubta u dejin kara .  Halka waxa markiiba kaga soo boodaya inaan wax Wafti ah oo  dalka yimi aanu jirin .  Waxa intaa dheer maxay tahay  in la arki kari waayo wafti balaadhan ?waa sida uu hadalka u yidhi  inanka Af-hayeenka ku magcaabiniye oo ay ula hadli- waayeen Warbaahinta maxaliga ee Dalka ka howl gasha  ee  baahida weyn ee Ummadu u qabto dhab ahaanshq arimaha  la xidhiidh emaaradka u taqaan sidii ay  uga ha qabtiri lahaayeen ama ugu soo gudbin lahayeen sida dhab ah ee wax u jiraan una dhaceen .

Waxay  dhacdani ay Qaranka ku tahay dhabar jab iyo dumis iyo yasid jiritaank Ummada iyo Dalkaba!, hadiiba  Wafti heer Caalami ah oo Dalka soo gaadhay dalka ay donaan ha ka socdaan waxay donaan ha u socdaane  aaney la Wadaagi karin  Warbaahinta madaniga ah ee Dalka gudihiisa ka howl gasha mid Dawladu leedahay iyo mid gaar loo leeyahay ba.    Si kasta ha ahaate waxa  iyadun aan wali suurto galin in  Xukumadu Muuse hogaamiyo  aaney  mawquf cad  ka qaadan  sidii ay cadeyn cada Ummada u soo hordhigi laheyd  ugan gar-bixi lahayd  arimaha fartu ku godan tahay ee kow ka tahay   Berbera Dekedeed balaadhinteed  iyo  Xerada ciidamada ee la yidhi waxa la siiyey loona hibeeyey Emaaraka carabta .

                                Gebo-gabadii .

Xukumadu waxay ka gows adeygaysa inay tidhaahdo waxa na soo gaadhay warqad ay Emaaradku Email noogu soo direen oo odhaneysa waxii  Madaxtooyadu u soo qoratay Af-hayeen gaarka ah ee Madaxweynaha ee  Maalinimadii Axda warbixinta yar akhriyeey . waxayn xukumada yar buur burto waxii email Emaarku ugu soo qoreen waa sida ugu dhow ee wax u dhici karan ay un badan tahay . Waxa Xukumadu warka uga  dhigeysa Ummada  waa mid  marag u ah waxa la hadoodilaayo iyo halka emaraadku ka joogo Jamhuuriyad  Somaliland iyo qadiyadeed. Sida aan filayo  Xukumadii Muuse hogaanka u hayo isa sheegatay iyadaan cidba sheegin . waxayna tidhi  waad aragtaan waxay tahay runtu ama diida ummaday ama yeel! Oo aniga waxb hayga sugina ileen waad I aragtaane.

 

 

 Abokor mohamud

abokorm@hotmail.co.uk

Bolton Uk

Waa Bilaahi Towfiiq

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker