SOMALIAND SHACABKEEDU WUXUU FIKIRKOODU UK DABRANYEY (CLANHOOD) WAXAA LOO BAAHANYEY MADAXWEYNE (NATIONHOOD) U BEDELA.

Dhibaatooyinka Waaweyn ee SOMALIAND haysta waxaa ka mida shacabka iyo madaxda iyo siyaasiyiinta iyo ummadaba guud  ahaan oo fikirkoodii ku dabranyey waxa loo yaqaan (clanhood) oon u Bispham inay u fikiraan inay yihiin(nation) nationada adduunkoo kale ah oo  u fikiraan sidii (nationhood). Taasina waxay dhalisay in siyaasiyiintii si qaldan uga faaiidaystaan oo dantii guud shisheeye iyo wadamada jaarka ay dhaqaalihii wadanka la wareegaan sida

Imikaba dhacday ee Dalalkii jaarka si weyn dhaqaalihii wadanka wax ugu yeesheen, xoolihiina wadamadoodii qabanayaan, hadday Djibouti that, Ethiopia, Imaaraadka iyo Somalia qaar kaloo badanina way socdaan, markaa arinka noocaa ihina ta koobaad WUXUU keenayaa on ay SOMALIAND noqoto meel debedda looga taliyo dabadeed waxa ku xiga (proxy war) iyo nin walba intuu wadankii uu dalka u loogay fadhiisto day all ka soo oo go ayey u muuqataa inay inagu soo socoto. MADAXWEYNE Muse Biixi waxaa horyaal inuu ka baydho wadadii ay wax marisay Xukuumaddii uu ka xanuunsaday MADAXWEYNE Siilaanyo ee gacanta dad an loo igman oo khibrad lahayn oo dumas iyo caruur u badnaa was in Muse laga rabaa inuu noqdo MADAXWEYNE siyaasiyiinta cusub curiya iyo (Chapter) cusub oo guul ka soo hoysa madaxbanaanida SOMALIAND, isu soo dhowaysa dadkan kala qaybsan ee SOMALIAND, Sicir bararka talaabooyin muuqda ka qaado. MADAXWEYNE Muse waa inuu afka furto oo cadeeyo inuu kala qaybsanaanta shacabka ka soo horjeedo Salaadiinta iyo afmiishaarada midea dadka kala qaybsan kala horkacayana toos ugu jawaabo. Afarta nin ee intay meel fadhiisteen leh Xusbigii wadani waanu kala dirray waa in maxkamad la soo taago waayo taa micnaheedu waa shacabkii reer SOMALIAND waanu kala dirray weeyo, distoorkii back meel Bay kaga dhaceen. Dhibtana shacabka iyo Dawladay dhex dhigayaan oo ay u socdaan.
MBashe (Meerkat)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker