Faransiiska Oo Meelmariyay Shuruuc Adag Oo Dhanka Soogalootiga ah

Baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa meelmariyay shuruuc dhanka socdaalka ah oo sii adkaynaya xeerarka lagu hago dadka soo galootiga ah. Sharcigan ayaa soo gaabinaya wakhtiga kama dambaysta ah ee la qabto codsiyada dadka magangalyo doonka ah, wuxuuna labo jibaarayaa wakhtiga xabsiyada lagu haynkaro dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska.

Shuruucdan cusub waxaa sidoo kale ka mid ah hal sano oo xabsiga la dhigi doono dadka sida sharci darrada ah ku gala Faransiiska. Xisbiga madaxweyne Emmanuel Macron ee siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ayaa sheegay in sharcigan cusub uu wax ka tari doono qaabka loo maro codsiga magangalyada.

Laakiin mucaaradka iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xeerkaas lagu kalaxtagay. Sharcigan waxaa ogolaaday 228 xildhibaan, waxaana ka soo horjeedsaday 139, waxaana codaynta ka baaqsaday 24 xildhibaan.

Codaynta ayaa maalmihii nashada u dhacay ka dib markii la soo jeediyay in boqolaal jeer isbadal lagu sameeyo

Jean-Michel Clément oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Macron ee La République en Marche ayaa ka soo horjeedsaday sharcigan, 14 xildhibaan oo isla xisbigan ka mid ahna way ka baaqsadeen in ay soo xaadiraan.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in soo koobidda wakhtiga cosdiyada dadka magangalyo doonka ah ay saamayn xun ku yeelan doonto “dadka ugu nugul ee magangalyo doonka ah, kuwaas oo ah kuwa ay u badan tahay in ay dabo maraan wakhtiga kama dambaysta ah”. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo uu soo saaray Bénédicte Jeannerod oo ah masuulka hay’adda u qaabilsan Faransiiska.

Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka Faransiiska ayaa sharcigan ka doodi doona bisha June.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker