Diyaarada Xulafada Sucuudiga Oo Dilay Madaxii Siyaasadda Xuutiyiinta Ee Dalka Yemen

YEMEN(OWN)- Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa shaacisay in la dilay madaxii Siyaasadda ee Xuutiyiinta Dalka Yemen kaas oo ay dileen Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee ka dagaallama Dalka Yemen.

 

 

Saleh al-Sammad,waxaa lagu dilay Gobolka Xudeyda ee Bariga Dalka Yemen,Xuutiyiintu waxaa ay sheegeen in dilka Madaxii Siyaasadda ay geysteen diyaaradaha isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo.

War ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in beddelkiisa ay doorteen Mahdi al-Mashat,kaas oo noqonaya Madaxa Siyaasadda Xuutiyiinta Yemen.

 

 

Khudbad uu TV-ga ka jeediyay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdul Malik al-Houthi,ayuu ku sheegay in Madax Siyaasadda ay la dhinteen 7, qof oo kale oo ka mid ahaa Xuutiyiinta ayna dileen diyaarada Xulafada Sucuudiga.

Abdul Malik al-Houthi,waxaa uu sheegay in weerarka Sucuudiga iyo Xulafadiisa aysan joojin doonin rabitaanka shacabka Yemen ee u dagaallamaya dalkooda sida uu hadalka u dhigay.

Isbahaysiga uu Sucuudiga horkacayo waxaa ay dalka Yemen galeen Sanadkii 2015kii,waxaana ay tan iyo xilligaas dagaal kula jiraan Xuutiyiinta oo heysta caasimadda Sanca iyo meelo badan oo ka mid ah waqooyiga Dalka Yemen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker