Xukuumadda Somaliland Oo Xamaaliinta Iyo Dileeliinta Carbeed Ee Ay Dalka Keentay ku sheegtay wefti ka socda Imaraadka carabta

Xoggo iyo Warar ay helayso Warbaahin Yool, ayaa daaha ka faydaya in kooxda Carbeed ee dalka timi ee reer imaaraad ay yihiin kuwo ay keentay dalka xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Waxaanay xogguhu ay intaas ku dareen in kooxdan carbeed ee ay Xukuumaddu dalka keentay ay yihiin Xamaaliin iyo Dilaaliin uu Baashe Morgan kasoo ururiyey suuqayada Imaraadka.

Dhanka kalena kooxdan dilaalinta iyo xamaalinta ah ee maaraadka laga soo waariday, ayaa waxa shalay qasriga madaxtooyada kullan kula yeeshay madaxweyne Biixi sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray madaxtooyada.

Docda kalene walow ay sheegtay xukuumaddu inay ahaa kooxda dalka timi ee carbeed masuuliyiin ka socday dowlada imaaraadka carabta , balse haddana xukuumaddu may soo gudbin magacyada iyo masuuliyadaha ay ka hayaan dowlada imaaraadka carabta,  waxaana xusid mudan inay xataa xukuumadda Muuse Biixi ay qarisay Muuqaalada iyo weliba sawirada.kooxda carbeed ee ay ay dalka keentay.

Si kastaba aha-ahaatee xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa si ay uga galgalato fadeexada qaraxdey ee Heshiiska berbera waxay dalka keentay koox laga soo ururiyey suuqayada Imaraadka oo carbeed kuwaas oo ka kooban Dilaaliin iyo Xamaaliin , hase-yeeshee waxay ku sheegtay wefti ka yimi Imaraadka carabta.

@ Yool

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker