Wariye Maalintii Afraad Sifo-sharci-daro Ah Ugu Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay ku xidhay  magaalada Hargeysa  Tifaftirihii Shabakada Somalilandsun.com  (www.somalilandsun.com), Yuusuf  Maxamed Xasan, isla markaana  waxa la sheegay in Wariye Yuusuf  Maxamed Xasan uu ku xidhan yahay saldhiga  muddo gaadhaysa afar maalmood iyo afar habeen uu ku jiro xidhan  Saldhiga  dhexe ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Aamina Xasan oo ka mid ah ehelada Wariye Yuusuf Maxamed Xasan, ayaa uga warantay Wariye Cabdifataax Ismaaciil caarshe qaabka loo xidhay ama loo  qabtay Tafiftirihii shabakada Somalilandsun.com Yuusuf Maxamed xasan. Balse waxay sheegtay in goor habeenimo ah oo uu soo hoyday, kuna sugnaa guriga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa, oo laga joogo muddo afar habeen ah ka soo wareegtay gurigiisa askar booliska Somaliland ah oo gaadhi watay ku garaaceen guriga, ka dib markii albaabka laga furay ay gudaha aqalka u soo galeen xoogna ku ka xaysteen Wariye Yuusuf Maxamed Xasan. “Anigoo magacaygu yahay Aamina Xasan, waxa dhacday xilli habeenimo ah oo saacadu  ku beegan tahay  ilaa tobankii habeenimo ayaa waxa  la soo garaacay albaabka guriga, markii laga furayna askar ayaa aqalka gudaha u soo gashay, dabadeed Wariyaha Yuusuf Maxamed Xasan oo ku jira qolkiisii hurdada ayay ugu galeen. Askari ka mid ahaa Booliskii ayaa intuu gudaha galay ayaa ku yidhi Yuusuf Maxamed Xasan oo daawanayey telifeeshan u yaalay  qolkiisa ee gurigiisa, waad xidhan tahay ee baqtii Tifiiga oo soo bax. Wuxuu ku yidhi maxaad igu xidhaysaan? Waxay ugu jawaabeen waar hadal iyo waxaas iska dhaaf ee qaado amarka oo na soo raac hadhaw ayaanu ku sheegaynaa waxa lagugu soo xidhay. Yuusuf Maxamed Xasan wuxuu ugu jawaabay ma sidataan waraaq maxkamadeed oo lay soo jaray, aan idin raaceen. Waxay yidhaahdeen anagu maxkamad iyo waxa aad ka hadlayso garan mayno ee istaag, dabadeed xoog ayay ku kaxaysteen xilli habeenimo ah oo la seexday ayay xidheen oo gaadhi ayay sareen. Qaabka askarta booliska Somaliland u xidheen wariyaha Yuusuf Maxamed Xasan iyo qaabka ay ula dhaqmeen dhamaantayo cabsi iyo welwel naxdin leh ayay nagu abuureen oo qaabkii ay dhinacyada u qabteen, iyagoo feedh iyo laad dusha kala dhacaaya ayay gaadhiga saareen oo la baxeen.”Sidaa ayey tidhi Aamina Xasan oo ka  mid ah ehelada Tafiftiraha shabakada Somalilandsun Yuusuf Maxamed xasan oo ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

 

 

wariyaha la xidhay Yuusuf Maxamed Xasan

 

 

Aamina Xasan waxay intaa sii raacisay oo ay tidhi,”Subixii ayaanu ka raadinay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, dabadeed halkaas ayaanu ugu tagnay, markii aanu waydiinay sababta loo xidhay wuxuu Taliyaha saldhigu nagu yidhi dawlada ayaa haysata oo xaga sare ee ayaa laga soo xidhay, lamina sii daynayo. Ilaa hadda wuu xidhan yahay oo waxa haysta garan mayno.”

 

Hase yeeshee, talaabadab xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay ku xidhay Wariye Yuusuf Maxamed Xasan, ayaa ah arrin khatar ku ah saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland in xilli habeenimo ah laga qabto guryahooda iyadoo aanay ciddi ogayn la xidho, isla markaana talaabada lagu xidhay Wariye Yuusuf Maxamed Xasan waxay ka mid tahay cabudhinta saxaafada xorta xukuumadda  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sifo sharci-daro ah ku xidhayso suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker