Waa qormo taxana ah oo aan ku soo qaadan doono marxaladihii kala duwanaa iyo duruufihii ku xeernaa madaxweynayaashii s/land soo maray 1991-2018 waa qormadii labaad

alle haw naxariistee maxamed x ibraahin cigaal wax uu ahaa madaxwenihii labaad ee lagu doortay shirweynihii beelaha soomaliland ee lagu qabtay magaalada boorama1993kii.

Maxamed x ibraahin cigaal alle haw naxariistee waxa uu ahaa rug cadaa siyaasadeed oo aad looga yaqaanay geyiga soomaalida,waxaanu in badan raadiyey midnimadii soomaaliya ,balse markii danbe waa uu ka tanaasulay.

Alle hawnaxariistee markii la soo doortay maxamed x ibraahin cigaal  waxa uu saamigii ugu badanaa dawladiisii ka siiyey saraakiishii calancasta ahayd ee xukuumadii ka horaysay ee c/raxmaan tuur dagaalka hubaysan kal horyimid ,taasoo dad badani ka biyo diideen magacaabistiisaa.

Alle hawnaxariistee maxamed x ibraahin markii uu dhisay golahiisii wasiirada,talaabadii xigtay ee uu qaaday waxay ahayd inuu dhiso ciidan qaran oo dalkani leeyahay ,waxaanu soo ururiyey ciidamadii snm oo markaa ku kala daadsanaa gobolad dalka islamrakaan u kala fadhiye qabaa,ilo,waxaanu isagu keenay xeryihii ciidamad ee ku yaalay magaalada hargaysa.

Hadab xukuumadii maxamed x ibraahin cigaal alle haw naxariistee iyadan waxaa ka hor yimid mucaaridad balaadhan,oo ay dabka ku sii shidayeen wasiirkii arimah gudaha ,oo hadan aha madaxweynah soomaliland mudane muuse biixi cabdi oo mar uu qudbad u jeedinaayey  dadweyne ku sugnaa khayriyada magaalada hargaysa ku dhawaaqay hadalo xanbaarsanaa saan saan colaadeed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen anigoo wax dili kara duco qaadan maayee dabci qorigu hay faro,hadaladaas oo uu ula jeeday dadkii ka horyimid magacaabistoodii ,tan iyo waqtigaas wixii ka danbeeyey waxaa sii xoogaystay macaaridadii kaga imanaysay saraakiishii snm inta nool kuwii ugu caansanaa oo ay ka mid ahaayeen axmed mire nuux oo ilaa iyo markii ay qaaxo wada joogeena uu ka dhaxeeyey ficiltan saraakiishii calansata ahayd oo iyagu markaa isku xeeray xukuumadii maxamed x ibraahin cigaal,waxyna taasi keentay in markale dagaal sokeeyo ka qarxo soomaaliland,kaas oo soconaayey mudo dheer ,islamarkaan sababay khasaare isagu jirtay naf iyo maalab.

Alle haw naxariistee maxamed x ibraahin cigaal markii uu dagaalkii mudo dheer soconaayey islamarkaan soo afjarmi waayey ayaa waxa uu go,aansaday in uu qaado taabo kale isaga oo waqtigaas isgu yeedhay saraakiishii calancasta ahyd ee horboodaysay dagaalka,waxaanu u sheegay inay ku fashilmeen dagaalkii oo aanay wax horumar ah laga gaadhin sidaa laajigeed loo baahanyahay in xal kale looga wareego,weedhahaasi markii ay soo yeedheen maxamed x ibraahin cigaal waxaa ka biyo diiday saraakiishii calancasta ahyd waxaan islamarkaan bilaamay isku dhicii u horeeyey ee dhex mara maxamed x ibraahin cigaal iyo saraakiishii calancasta ahyd ,madaama ay iyagu isu arkayeen inay kursiga saareen sidaa daraadeena marnaba aanu ka hor iman Karin.

Alle haw naxariistee maxamed x ibraahin cigaal waxa uu ahaa hogaamiye argti dheere, islamarkaan meel fog wax eega waxaanu yiqiinsaday in fashilkii ku yimid xukuumadiisa inya ka masuul ahaayeen saraakiishii calancasta ahayd ,sidaa darteedna loo baahanyahay in laga taqaluso ,waxaanu ku dhaqaaqay inuu dhamaantood xukuumadiisii ka wada caydhiyo, taas oo markii danbe u sahashay inuu wadahadal la furo dhinacii kale .

Maxamed x ibraahin cigaal ayaa markii loo doortay marlabaad inuu noqdo madaxweynaha soomaalilnd 1997 ayaa waxa uu soo dhisay dawalad loo wada dhanyahay,islamarkaan waxa uu dhamays tiray dibu heshiisiintii iyo nabadayntii beelaha reer soomaaliland.

Hadab aniga iyo wefdi odayaal ahi  waxa aan madaxtooyad kula kulanay alle hawnaxariistee maxamed x ibraahin cigaal labo jeer oo  kulan qada ahaa ,kaas oo ku saab sanaa dib u heshiisiin iyo xog is waydaarsi,waxaana jirtay inaan marar badan isagoo fagaarayaasha ka qudbadeenaaya inaan wax ka duubay laakiinse waa markii iigu horaysay ee aan aniga iyo isagu  saxan ku wada qadayno  waxaanu nooga sheekeeyey arimo badan oo ay ka mid ahaayeen tan iyo waqtigii uu siyaasada soo galay ,dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ,saraakiishii calancasta ahayd wixii kala qabsaday iyo weliba arimo badan oo xaasaasi ahaa oo aan halkan lagu soo qori karayn,waqtigaas aanu la kulanay waxaa ka muuqatay dadaal badan oo uu ku raadinaayo  in nabad gelyo taam ahi dalka ka dhacdo.

Maxamed x ibraahin cigaal alle haw naxariistee mudadii uu talada dalka hayey waxa u sameeyey distoor iyo xeerar lagu dhaqmo, kaasoo markii danbana ay dadka reer soomaaliland ahi si aqlabiyada ah ugu codeeyeen .

Waxaa mudan in la sheego inuu ahaa maxamed x ibraahin cigaal alle hawnaxariistee madaxweynihii seeska u dhigay dawlad nimada iyo dimiquraadiyad aynu ku faano isagoo abuuray nidaamka asxaabta badan, markaan asaasay xisbigii la odhan jiray udub sidoo kale waxa uu dalka u sameeyey lacag shilin soomaliland ah oo uu dalku leeyahy

Sidoo kale Waxaa lagu xasuustaa maxamed x ibraahin cigaal inuu ah nin hadal badan, kaftan badan ,sheeko badan,caybadan,gacan furan oo deeqsi ah, intii uu talada dalka hayey wax hanti ah oo uu meel ka dhigtay ama ka dhistay ma jirto oo xagaas nadiif ayuu ka ahaa .

Hadaladii ugu saamaynta badnayd ee ka soo yeedhay maxamed x ibraahin cigaal mudadii uu xilka hayey waxaa ka mid ahaa,

1-waa inoo dagaal

2-dunidii dabada ayey inoo soo jeedisay

3-waa ku dilaynaa ayey yidhaahdeen

4-afka kamay odhan ee futada ayey ka yidhaahdeen

5-dagaalku waa mashruuc

6-lama kala adkaanin ee waa lasku barbar dhacay

7-si qaawan ayaa loo wada hadlayaa

Kelmadahaasi iyo kuwa kale oo badaniba waxay lahaayeen waqti iyo munaasibado aad ayaan u soo koobay

Lasoco madaxweynihii sadexaad ee soomaaliland mudane daahir riyaale kaaahin

 

 

 

 

maxamuud maxamed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker