Pep Guardiola Oo Ugu Dambayn Helay Beddelka Mikel Arteta & Shaqsiga Uu Usoo Xushay

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa ugu dambayn helay gacan-yare cusub oo u beddela Mikel Arteta  oo kooxdaas ka tegay sannadkii hore dhamaadkiisa si uu u noqdo tababaraha cusub ee Arsenal.

 

Juanma Lillo ayaa la sheegay inay xidhiidheen Guardiola kaddib markii uu ka tegay shaqada kooxda Qingdao Huanghai ee reer China, sida uu qoray wargeyska Marca.

 

 

54 jirkan oo shaqooyin tababarenimo kasoo qabtay meelo badan oo adduunka ah, ayaa tababare ku-xigeen kasoo noqday kooxda Sevilla xilligii uu Jorge Sampaoli joogay, kaddibna waxa uu khibrad kasoo helay shaqooyin kale oo bannaanka dibedda Spain ah.

Lillo iyo Pep Guardiola oo isku waqti ka fadhiistay ciyaaraha kubadda cagta ayaa la sheegay inay saaxiibo isku dhow yihiin iyagoo mar kasoo wada ciyaaray koox ka dhisan Mexico ka hor intii aanay kabaha tiirinin, waxaanay saaxiibtinimadoodu bilaabantay sannadkii 1998kii.

 

 

Waqtigii uu Pep Guardiola tababaraha ka ahaa Barcelona, ayuu amaan u jeediyey Lillo, waxaanu isaga oo waqtigaas ku guuleystay saddex horyaal oo LaLiga ah iyo laba Champions League uu ku tilmaamay inuu udub-dhexaad u ahaa kobociisa tababarenimo.

 

 

Pep Guardiola ayaa raadinayey in muddo ah shaqsi uu ku kalsoon yahay oo ay isku fahmi karayaan taatikada ciyaareed iyo luuqadda Spain oo kula soo biira qolka lebbiska, una noqda gacan-yare kaddib markii uu Mikel Arteta ka tegay.

Tababaraha reer Spain oo ay kooxdiisu xili ciyaareedkan ku jirto kaalinta labaad, horyaalkana ay Liverpool kaga guuleysanayso ayaa waxa uu u baahan yahay inuu xili ciyaareedka dambe sameeyo isbeddel falsafadda ciyaareed iyo shaqaalihiisa tababarka ahba, si uu horyaalnimada ugu soo noqon karo, laakiin dhibaatada ka haysata ganaaxa UEFA ee ay jawaabtiisa heli doonaan laba bilood kaddib ayaa caqabad weyn ku keeni karta

Manchester City oo ay UEFA laba sannadood ka mamnuucday Champions League, uguna dartay ganaax lacageed, ayaa waajihi karaysa qalalaase iyo in ciyaaryahannada waaweyn ka tagaan, haddii ay rafcaanka maxkamadda CAS ka heli weydo jawaabta ay u baahan tahay.

 

 

Si kastaba, Lillo ayaa ugu dambayn Pep Guardiola u noqon doona tababare ku-xigeenka, waxaana magacaabistiisa lagu dhawaaqi doonaa dhamaadka xili ciyaareedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker