Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,  ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  ugu horrayn safiirka  iyo weftigiisa ugaga mahadnaqay doorka muuqda ee uu dalka Ingiriisku ka qaato horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee sida joogtada ah ula garab taagan yihiin.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga uga warramay horumarka iyo guulaha ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay iyo qorsheyaasha udub-dhexaadka ah ee ay mustaqbalka higsanayso, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (SNDPII) oo safka hore kaga jira hiigsiga xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ku wargeliyey xubnaha weftiga, in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, isla-maraana aanu ku imanin wax dib-u-dhac  ahi, isaga oo shaaca ka qaaday in wada hadaladii ay Jamhuuriyadda Somaliland la lahayd dhiggeeda Soomaaliya ay hakad geliyeen, sababo la xidhiidha gardarrada ay Soomaaliya ku hayso horumarka Somaliland.

Dhankiisa, safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo isagu weftiga  hoggaaminayey, ayaa  madaxweynaha ku bogaadiyey guulaha Dimuqraaddiyadu hagayso ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay dawlad ahaan majeeranayaan dariiqa loo maray doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ku caano maashay.

Safiirku sidoo kale, waxa uu  madaxweynaha u caddeeyey in dawladda UK ay diyaar u tahay inay Somaliland ku garab istaagto horumarka, isla markaana ay kordhin doonaan kaalmooyinka dhaqaale ee ay ku taageeraan

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker