Magacyada Xildhibaanada Xeer 14 U Gudbiyey Maxkamadda Sarre iyo Qodobada Khilaafka dhaliyay

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa ka guddoontay warqad ay ku saxeexan yihiin 46 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada, ka guddoontay.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane, kana mida mudanayaasha golaha Golaha Wakiilada Jsl, ayaa sheegay in ay maxkamadda sarre u gudbiyeen Xeer 14 oo ka gole ay isku khilaafeen, waxaanu xusay in dadweynuhu ay sugaan go’aanka maxkamadda sarre.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Maydhane waxa uu yidhi.“Anagu waxa aanu u dhaaranay in dalka, dadka iyo dastuurka aanu ilaalino, qodobka 38aad ee dastuurkuna waxa uu dhigaya xildhibaanadu marka ay shaqadooda gudanayaan waa in si waafaqsan dastuurka iyo heer hoosaadkooda u gutaan.

Anaga oo ka dullayna taasi halkan oo maxkamaddii ah waxa aanu u nimid qodob dastuuriya, in ay tafsiir sharci ka bixiso qodob aanu isku qabsanay, marka wax la isku qabtana cidda loo gudbinayaa waa maxkamadda dastuuriga ah.

Gole ayaanu nahay gole dastuurka ku aasaasan ayaanu nahay, hay’add sharci ah ayaanu nahay, bulshada waxa aanu u sheegayna in aanu noqonay halka lagu kala baxayay oo ah maxkamadda dastuuriga ah, dadweynuhuna ha sugaan wixii ka soo baxa ee xaq ah”

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, kana mida mudanayaasha golaha wakiillada ayaa si qoto dheer uga hadlay sababta keentay in la isku khilaafo Xeer 14 isla markaana loo gudbiyo maxkamadda sarre ee Dastuuriga ah waxaanu yidhi.“Wax dhibaato ah oo ka jirtaa ma jirto golaha wakiillada, balse golahayagu waxa uu isku qabtay laba qodob oo sharci ah, labada qodoba dastuurka ayay ku xusan yihiin, Xeer 14 oo madaxweynaha loo gudbiyay ayuu isku qabtay oo wakhtigii loogu talo galay ayuu madaxweynuhu ku soo celiyay iyo kumu soo celin, qayb ka mid ahi waxa ay leedahay waxa loo raacaya soo celinta madaxweynaha qodobka 77aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

46 mudane oo halkan jooga oo guddoomiye ku xigeenkii golaha wakiilladu ku jiraana waxa ay qabaan qodobka 78’aad ee dastuurka.

Haddaba qodobka 77’aad oo xusaya madaxweynaha xeer ka soo noqday, haddii madaxweynuhu 21 cisho gudahooda ku soo celin waayo xeerka, ayuu dastuurku sheegaya, goluhu waajibaadkii ahaa saxeexa iyo faafinta uunbu wareejinayaa, oo uu u wareejiayy golaha wakiilladu in uu faafiyo, shaqo kale oo golaha wakiillada u dirayna ma jiro, halka haddii uu madaxweynuhu ku soo celiyo 21 cisho gudahood qodobka 78aad uu xusayo in goluhu soo jeedinta madaxweynaha cod u qaadayo, taasi oo dhigaysa in goluhu soo jeedintii madaxweynaha ku raaco, ama u uku diido, xeerka 53 maalmood ayuu madaxweynuhu haystay waxaanu madaxweynuhu ku sababeeyay in golayaashu ay maqnaayeen, balse golayaasha Qaranku maqnaanshiyo ma galaan, xoghayaha ayaa jooga oo qabta marka xeerka la soo celiyo sidoo kale guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada ayaa joogay, Baashe Maxamed Faarax, waana kii guddoomiyaha cusub xilka ku wareejiyay ee bulshada waxa aanu u sheegayna in qodobka la isku hayaa mid sharci yahay balse aanu ahayn siyaasad”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker