Diyaarad Lagu Soo Riday Xaafad ay Ku Yaallaan Qasriyada Boqortooyada ee Magaalo madaxda Riyaad.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyaa Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada ee magaalo madaxda Riyaad.

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xigatay af-hayeenka booliska Riyaad ayaa sheegtay in uu yidhi “abaaro todobadii fiidnimo habeenkii Sabtida ayaa ciidanka nabad gelyadu ee xaafadda Al-Khisaami ee magaalada Riyaad waxay ka war heleen diyaarad yar oon duuliye lahayn oo ah nooca madadaalada loo kiciyo.”

Af-hayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidanka nabadgeladu qaadeen “talaabadii haboonayd ee amrka lagu siiyey” taas oo ahayd in ay soo ridaan diyaaraddaa yar.

Hadalkan af-hayeenku wuxu soo baxay iyadoo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka lagu faafiyey warar aan la hubin oo ahaa in tacshiirad ba’an oo la is dhaafsanayaa ka socoto goobtaa ay ku yaallaan qasriyada boqortooyadu.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in masuul ay xog ka heshay u sheegay in aan Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis markii arintaasi dhacaysay aanu joogin qasrigiisa Riyaad. Waxaanu masuulkaasi intaa ku daray in uu boqorku ku maqnaa oo uu joogay beer uu ku leeyahay gobolka Al-Darciyah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker