WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA SOMALILAND.. MA HABOON TAHAY IN DALKA BANDOO BUUXDA LAGU SOO ROGO IN MUDO HAL BIL AH.?

Madaxweyne Mouse Behi Abdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
Hargeisa, Somaliland.

 

Date: Wednesday, 15 April 2020.

 

Mudane Madaxweyne anigoo magacaygu yahay Amb. Mohamed Ismail Hussein oo ku magac dheer (Balishire) ahna wakiilkii hore ee dawlada Somaliland ee dalka Australia. Hadana ah gudoomiyaha haayada samafalka ah ee loo yaqaano, “Horn of Africa Relief & Development Organization” (HARADO). www.harado.org waxaan maanta qalinka aaan u qaatay oo aan jeclaystay in aan warqadan furan aan hawada usoo mariyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Mudane Madaxweyne sidaad ka warqabto waxa aduunkii maanta gabagabeeyey cudur aan la filayn oo runtii dhimasho iyo dhaawac iyo dhaqaale burbur intaba iskugu daray. Waxa xanuunkan ay dawlada Maraykanku ugu yeedhay ama ay u bixisay magaca in uu yahay waxa loo yaqaano. “THE GREAT EQUALISER” Which has no apparent discrimination against anybody regardless of what.” Oo ay macnaheedu yahay in xanuunkani aanu cidnaba u aabo yeelayn, caruur iyo ciroole, sheekh iyo shariif, Gaal iyo Islaam cidoo doono ha ahaado.

Mudane Madaxweyne, waxaad u jeedaa sida cudurkani uu faraha baas ugu hayo dawladihii ugu awooda weynaa ee aduunka ee haday noqoto dhaqaale, dhakhaatiir, daawooyin, cilmi iyo Tiknoolaji intaba isku darsaday in ay ilaa hada u taag la yihiin xanuunkan, dhibaato weyn oo dhaqaale iyo dhimashana ay usii dheertahay. Waxa hadaba is waydiin mudan inagu xagaynu joognaa maanta. Ilaahay haynaga salaamad yeele, sidaas ayaanu weli ina wada taaban xanuunkani oo aad mooda in uu ilaa hada qaaradan Africa in uu qariib ku yahay.

Mudane madaxweyne anigoo runtii u mahadnaqayaa gudiga aad u xilsaartay hawshan ka hortaga cudurkan COVID-19. Hadana waxaan qabaa in wacyi gelinta la sii laban laabo, oo lasii sadex laabo maadaama dadkeenu ilaa hada intooda badani aanayba aaminsanayn cudurkan, oo noloshoodii hore wax ay ka badeleen haba yaraate aanay jirin maanta. Ku darsoo waxa jiray dadka qaar xidhay marada afka lagu xidho ee loo yaqaano “Face mask or protective gear” in laga ruwaayadeysto oo lagu qoslo oo laga soo qaado in ay yihiin dad rumaysan waxa BBC-da ay ka dhegaysteen.
Qaar yidhaahda anaga Muslim ayaanu nahay oo nagu dhici maayo ee cudurkani waa cudur ilaahay gaalada ku karbaashaayo.

Mudane Madaxweyne waxa haboon in lasii laban laabo oo lasii sadex laabo wacyi gelinta bulshadeena oo la adeegsado TV yada, ka qaranka iyo kuwa kale ee shicibkaba, in Radio Hargeisa, Joornaalada, culumaa’udiinka, wacyi gelin joogto ah laga sii daayo meel walba, in Wasaarada caafimaadku ay baadhitaan buuxda ku samayso degmo kasta oo caasimadu ka kooban tahay, dadkana ay u qoondeeyaan safar guri si qof kastaaba u ogaado xaaladiisa caafimaad, intaanu gurigiisa iyo reerkiisa aanu galaafan. Ka dib waa in loo gudbaa dhamaan gobolada dalkoo idil. Waan dareemi karaa oo hawl yar maaha, laakiin waxa waxaas oo dhan ka sii daran waa masiibadan ina dul hoganaysa maanta.
Maanta Somaliland runtii uma baahna mucaarid iyo muxaafid toona, xanuunkana in la siyaasadeeyo ma qurux badna, oo xanuunkani ma kala yaqaano mucaarid iyo muxaafid laakiin shaqadiisu waa in uu dad xasuuqo. Ilaahay haynaga hayo oo hayna hareer mariyo. waxaynu u baahanahay sidaynu uga wada badbaadi lahayn cudurkan dilaaga ah ee maanta aduunkii qabsaday cid uu ka xishoodayna aanu jirin gaal iyo Islaam, caruur iyo ciroole shanta qaaradood ee aduunka waakaas maanta ku fiday, kanoo kale, wax hore loo arkay maaha marka laga soo bilaabo cudurkii ku dhacay dalka Spain taariikhdu markay ahayd sanadkii 1917 ilaa 1918 kii, ee loo yaqaaney, The Spanish Flu Virus. Ilaahay haynaga salaamad yeelo.

Waxa kaloo mudane Madaxweyne jirta in dhawaan uu Dr Gaboose uu ku baaqay in miyiga loo baxo, anigu shaqsiyan fikirkaas aad iyo aad Ayaan uga soo horjeedaa, Cudurkani maaha mid meelnaba kaaga hadhaaya, waxa hada miyaga u baxay dad badan, laakiin waxa dhici karta dadkaas baxay in qaar kaloo xanuunkii qaba oo haday rabaan aanba is ogeyn in ay iyaguna qaataan go’aankaas ah in miyi loo yaaco. Waxa dhici karta in shantaas qof ee xanuunka qabtaa ay ka daba tagto boqol aan xanuunkii qabin oo miyi u baxsaday iyo dabcan dadkii reer miyiga ahaa ee aan xanuunkan qabin. Halkaasna waxa ka iman karta khasaare weyn oo aan loo babac dhigi karin. Waxaan ku talin lahaa in dadka miyiga u yaacayaa in ay guryahooga ku eekaadaan, oo ay is karatiimeeyaan dadkaas miyiga joogana aanay dhibaato la doonan aanay qaadi karin, In ay isku karatiimeeyaan guryahooga dhexdooda oo aanay soo bixin oo halkaas ilaahay ku baryaan wax dhaama garan maayo, sidaas ayaa ugu sahlan Ayaan qabaa.

Mudane Madaxweyne, waxa ilaa hada shaqaynaaya basaskii magaalada oo dadkiina ay dhinaca isku wada hayaan mid caafimaad qaba iyo mid xanuunsanaaya oo haduu rabo xanuunka uu qabo aan iskaba warqabin. Waxa kaloo sidoodii u buuxa oo shaaha lagu wada cabayaa muqaaxiyihii magaalooyinka dalkoo dhan, sidaas oo ay tahay hadana dadkeena maanta war kuma seegana waxa aduunka ka dhacaaya maanta. Waxa kaloo sidoodii u camiran meelihii lagu qayili jiray oo dhan oo u baahan in la wada xidho dhamaantood.

Mudane Madaxweyne waxaan si xushmad iyo qadarin leh aan kaaga codsan lahaa in aad dalka ku soo rogto Bandoo dhamaystiran oo ay ciidanku hawl galaan, Boolis iyo Miliateri intaba, Bandoogaas oo soconaysa mudo hal bil ah, sii gudiga ka hortaga xanuunkan iyo wasaarada caafimaadku ay si weyn oo baaxad leh ugu hawl galaan isla markaasna ay u fududaato wax u qabadka bulshada Miyi iyo Magaalo intaba.
Mudane Madaxweyne waxa Bandoo lagu soo rogay wadankii labaad ee ugu dadka badnaa aduunka ee Hindiya (India) oo ay ku nool yihiin dad kor u dhaafay 1 Bilyan iyo 3 boqol oo Milyan oo qof. Bandoogaas oo ilaa hada saaran dalka mudo kor u dhaaftay hal bil iyo badh.
Mudane Madaxweyne wadamada deriska inala ah way ku wada dhawaaqeen Bandoogan oo dan ayey u arkeen. Inaguna in aynu ku dayanaa waa waajib ayaan qabaa, xal kale ma jiro maanta. Waxa kaloo aan bogaadinayaa qodobada ay dhawaan soo saareen gudiga ka hortaga xanuunkan Covid-19. Waxaan jeclaan lahaa in qodobadaas lasii kordhiyo, dhakhsana loo hirgeliyo, meel walbana dalka la xidho, oo dalkoo idil bandoo lagu soo rogo mudadaas hal bil ah, si loola tacaalo xanuunkan dilaaga ah.

 

 

Aadbaan kuu salaamayaa. Mudane Madaxweyne. Mahadsanid.

ALLAA MAHADLEH.

Amb. Mohamed Ismail Hussein (Balishire)
Wakiilkii hore ee Somaliland ee dalka Australia.
Email: somalilandfoundation@live.com.au
Phone no: +252 633 165 005. (For WhatsApp only)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker