Shaqsiyada ka mushahar qaata xukumada Muuse Biixi oo afduubay xafladii 18 may ee gobalka Minnesota

Tan iyo bilowgii bisha February waxa soo ifbaxayey muran baahsan oo ka jiray qabashada maalinta qaranimada Somaliland taas oo ay afduubay shaqsiyada ka tirsan xisbiga kulmiye iyo xukumada Muuse Biixi u ka kow ka yahay nin isku magacaabay inuu yahay gudoomiyaha jaaliyada reer Somaliland ee dalka maraykanka oo lagu magacaabo Ismaciil sandheer  isagoo xafladii qaran ee 18 may ka dhigay  mid xisbi gaara u xidhan oo uu taageero lagu raadinayo xukumada xisbiga Kulmiye , isagoo sheegay in munaassibada qaran maanta lagu taageerayo marshuuca fashilmaya ee wareejinta dekada Berbera iyo saldhiga mititary .

Sidoo kale ninka isku magacaabay gudoomiyaha jaaliyadu wuxuu shaqaale rasmiya ka yahay xafiiska wakiilka Somaliland ee dalka maraykanka , xafiiska oo iilaa intii u jiray  shacabka Somaliland ee k u dhaqan dalka maraykanku garanla yihiin shaqada u u qaran Somaliland u hayo , kaliya ay xafiiska u yaqaanaa mid hanta iyo xoolaha ummada lagu lunsado . isagoo la ogyahay qadar lacageed ee xukumada kasta ku bixiyo xafiiska iyo shaqaaalihii balse aan wax faa’iida laga hayaa aan jirin intaas waxa u dheere hagar daamada iyo dhibta ay kala kulmaan markay timaado adeegyda looga baahan yahay xafiiskaas aan hore u soo sheegay , marka laga yimaado ujeeda u xafiiskaas u Aasaasan yahay tahay adeeg shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka maraykan iyo ururinta jaaliyada Somaliland kaliya waxay bulshada reer Somaliland kala kulmaan shaqsiyada u shaqeeya xafiiska u ka mid yahay  Ismaciil sandheer  inay ka shaqeeya dhibada jaaliyada somaliland.

Ismaciil sandheer  wuxuu wakhtiga faraha  kula jiraan inuu bulshada Somaliland u kala qaybiyo labo jiho qolo ku faraxsan in maalintii qaranimada Somaliland ee loo siman yahay mucaarid iyo muxaafid laga dhigo mid u gaara inta mashaarici ka qaadata xukumada Muuse Biixi  taas oo meesha ka saaray midnimadii iyo wada jiri lagu xusi jiray maalinta qaranimada Somaliland .

Aniga oo aan jecelay inuu qalinku ila sii fogaado waxaana jecel in xaflada qaranimada Somaliland laga saaro  shaqsiyada leh danaha gaara lana wada shaqeeyo sidii ummada lagu wada qaban lahaa xaflada midaysa dhamaan shacabka Somaliland guud ahaan ka reeban siyaasada iyo xisbiga.

 

 

 

Qalinkii : faadumo abdilahi

Minneapolis Minnesota

Email: fabdilahi93@gmail.com

Mobile : 612-540-8813

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker