SALDHIGGA BERBERA WAA JOHARAD SOMALILAND UGU GORGORTAMI KARTO DANAHEEDA ADAG. SIFADA IMAARAADKA LAGU SIIYAYNA WAA XAARAAN LID KU AH QARANIMADA SOMALILAND

Caalamka markay dawladuhu saldhig milatari siinayaan dawlad kale, waxaa lagama maarmaan ah inay jiraan sababo kalifaya, iyo daraasad lagu sameeyo sida dastuurka dalkaasi u ogolaanayo.

 

Haddaynu qodobbayno arrinta lagama maarmaanka ah, ee meel laga maro aan lahelaynin.

  1. Waa in aad tihiin laba dal oo xora, oo isaqoonsan, kana dhaxayso xidhiidh dublomaasiyadeed.
  2. waa inaad tihiin laba dal oo gaashaanbuur milatari ka dhexeeyo.
  3. Waa inaad ka hesho waxtar aad ku tayayso awoodda ciidankaaga, si aad isaga caabido colaad kasta oo kaasoo gaadha wadamada uu u adeegsado colaaddooda.

    Arrimahan aynu soo sheegnay midna kama muuqdo heshiiskaa saldhiga Berbera, dawladda imaaraadkuna diyaar umaaha inay aqoonsato Somaliland, iyo inay gaashaanbuur milatari la yeelato midna. Waxaa kale oon qorshaha ugu jirin inay Somaliland ufidiso waxtar qiime leh, oo dabooli kara baahida difaaca ciidanka cirka, iyo guud ahaan qalabaynta ciidanka milatariga Somaliland.

    Saldhiga Berbera waa Joharad istaraatiiji ah, oo cid kasta ku sandullayn karta shuruudahaa asaaska u ah inaad saldhig milatari u oggolaato in dal kale dalkaaga dhexdiisa ku yeesho.

    Dalka aad saldhig milatari siisaa, waxuu xaq u yeelanayaa inuu hawada dalkaaga u adeegsan karo dano milatari, isagoon ogolaansho kuweyddiisan .

    Dalkaasi waxuu xaq u yeelanayaa inuu dalkaaga keensan karo nooc kasta oo hubka ka mida, iyo ciidan inta uu ubaahdo xaaladaha daruuriga ah. Bartilmaameedna aad u noqonayso cadaawad dillaacda.
    Waxaas oo dhan iyo waxyaabaha kale ee degaanka dhibaatayn kara ayaa kusii hoos jira. 

    Waxaa intaaba ka horraysa saldhig milatari markaad u oggolaanayso dal shuruudahaas hore oo dhan aad heshiis ku tihiin, inaad samayso xog ururis,  inaad hoggaanka sare ee ciidanka, iyo xeeldheerayaasha milatari ee dalkaaga talo ka hesho, iyo saamaynta xidhiidhka caalamka idinka dhexeeya ay ku yeelan karto. 

    Waxaa loo baahan yahay inaad dastuurka iyo xeerarkiisa raacdo, si uu heshiis rasmiya unoqdo, oo aan baadil ahayn.
    Marka ugu horraysaba heshiiska maanta waraaqihiisa uu ku saxeexan yahay Saleebaan Gaal oo aqalka guurtida guddoomiye ka ahi wax jira maaha sharci ahaan.

    Talabaadna dawladda Imaaraadku hadday gobol Soomaaliya ah kuu haysato, heshiis saldhig milatari Somaliland ugu oggolaato, oo ciidan ay keensadaan ma dhici karto.

    Danta ugu wayn ee saldhigga Berbera ay heshiiskan ugu rabto, waa si ay uga xijaabaan dalalka kale ee danayn lahaa saldhigga Berbera,  
    Dawladda Imaaraadku maaha dal saldhigga Berbera baaxaddiisa iyo istaraatiijiyadiisa xamilaaya, mana laha awood ballaadhan oo uu baahi dagaal ugaga faaiidaysanayo. 
    Heshiis saldhig oo lala galaana waxuu ku xidhan yahay inta ay taagantay xiisadan gacanka, iyo badda cas.
     
    Waxaa jira dalal badan oo hunguraynaya saldhigga Berbera, awoodna u leh inay shuruudahaas oo dhan kuu fuliyaan si ay heshiis xalaal ah ula galaan Somaliland. Waa haddii dawladda Somaliland masuuliinteedu danta qaranka fulinayaan, oo aanay dano dhaqaale shakhsi ah caqligoodu ku koobnayn.

    Faallo. 

    Kooxaha kubbadda cagta ee dunida ugu waaweyni waxay gataan ciyaartoy kasta oo soo baxa, iyagoo haysta qaar ku filan.  Sabab ayaa jirta odhanaysa ” intuu koox kale u ciyaari lahaa, adiga ha kuu fadhiyo. Lacagta ciyaartoyga kaaga baxaysaa waxay kaa nabadgelinaysaa guusha kooxaha kale”,

    Madaxweynaha somaliland waxaa la habboon inuu beddelo wasiirka arrimaha dibadda Sacad, iyo Baashe, wakiilka somaliland ee imaaraadka. Ama meel kale u beddelo.
    Waxaa ummadda indhahoodii ka badatay foolxumadii iyo musuqmaasuqii ay ku kaceen, oo loo arko inaan xukuumaddaadu ka madax bannaanayn tii Siiraanyo. 

    Waxay ku sifoobeen laba ruux oo hunguri daraaddii dabarku aanu xejinaynin.
    Waxay noqdeen laba ruux oo dawladda imaaraadka u shaqeeya, oo ay si gaara u gunnayso.
    Waxay dad badani tuhunsan yihiin inay dawladda imaaraadku lug kuleedahay inaan laga beddelin jagooyinka ay hayaan Sacad iyo Baashe.

    Waa suuragal inay arrintaasi dhab tahay, maadaama ay yihiin labada ruux ee wasiirradii Siiraanyo ugu dhalliisha badnaa, ee ilaa maanta jooga, warbaahintana ceebtoodu goor walba ka soo baxdo. 

    Ninbaa laga hayay ”Talaw salaaddu xageebay ka xidhmi la’dahay”.

     
    Eng. Yousuf Ahmed
    jicsin@hotmail.com
    London  U. K.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker