MAXAA LAGU XUSUUSAN DOONA TABABARE ARSENE WENGER

Waxaan soo dhaweynaa go, aanka arsene wenger ee uu kaga tegay
tababarinimadii kooxda aan taageero ee arsenal runtii waa go, aan lagu
diirsado oo mudo dheer la sugayey
Mudadii dheerayd ee uu kooxda laylinayey oo lahaa macaan iyo
qadhaadhba wuxuu sanadadii hore kooxda u horseeday horumar la taaban
karo taas oo uu gaadhay guulo isdaba jooga ka dib markuu dhisay koox
awood badan oo Leh qaab ciyaareedkeeda isu dheeli tiran marka laga
eego dhanka difaaca qadka dhexe iyo dhinaca weerarka kooxdaas ayey
ahayd tii saddex prime league iyo 4 fa cup qaaday dhawr sano gudahood
oo weliba sanadkii 1998 iyo 2002 labada jeerba ku wada guulaysatay
prime league iyo fa kooxdaas ayey ahayd tii ayadoon dhinaceeda mar
keliya dhulka la dhigin xili ciyaareedkii 2003-2004 koobka prime
league hantiday iyadoo ay kula baxday magaca invincibles xiliyadaa
berisamaadka ee kooxdu soo martay kuna gaadhay guulo waaweyn inkastoo
aanay marnaba gaadhin heerkii ugu sareeyey oo aanay hantiyin koobabka
yurub iyo kuwo aduunka toona hadana dhanka England arsenal iyo
manuted ayuun baa kaalinta koowaad isku haystay taasoo keentay in
xifaaltan ka dhaxeeyo macalinka manuted Sir alex ferguson
Isku soo duuboo xiliyadaa wenger wuxuu noqday macalin culuuntiisa laga
aflaxo oo koox kasta oo magac lihi ku naalooto inay maalin uun soo
xero geliso
Waxaase isla xiliyadaa bilowgii qarniga cusub ee 21aad bilowday laba
kacleyntii kubada cagta taasoo isbedel weyni ku yimi hanaankii iyo
habkii lagu jaan goyn jiray maamulka iyo maareynta dhaqaale ee
naadiyada reer yurub gaar ahaan england mar kaliya ayuun baa tijaartii
waaweynayd ee yurub iyo Ameerika ugu caansanyad u kala dheereeyeen
lahaansha iyo maal gelinta naadiyada caanka ah taasoo keentay in
kubadii loo huro malaayiin dollar taasina waxay saamayn xoog leh ku
yeelatay hanaankii kala iibsiga ciyaartoyga oo qiimahoodu cirka isku
shareeray sidoo kale waxaa iyana boqol laabmay mushaharkii iyo gunadii
ay ciyaartoygu qaadan jireen waxaana badi kooxi waaweynaa u guureen
habkaas cusub marka laga reebo arsenal oo iyadu baryahaas uun dhisatay
garoonka casriga ee emirates stadium kaasoo qarashka ku baxay ay
amaahdeen shirikada diyaaradaha ee fly emarites kuna bixinayeen
daynta habka installement taasoo ay sanad kasta 17milyan oo gani
bixinayeen mudo 20 sano ah sida heshiiska labada dhinac ahaa
Arsene wenger wuxuu goostay go, aan ah in aanu u doogsin cararin
barwaaqada cusub ee helay halkaas ayuuna kaga hadhayaa geediga la
raray wuxuuna ku adkaysanayaa tiisii taasoo xataa ay ku kala dhinteen
David dean oo ahaa gudoomiye ku xigeenka kooxda arsenal ahaana
maskaxdii ka danbaysay keenistiisa kooxda sanadii 1996
Go, aanka wenger oo ah in kooxdu isku filaysiiso waxay soo saarto
taasoo kharashka iyo dakhliga laysu waafajinayo iyadoo weliba lagu
xisaabtamayo bixinta lacagta 17milyan ah ee daynta ee naadiga lagu
leeyahay markaad dhinaca dhaqaalaha ka eegto wuxuu ahaa ka ugu
saxsanaa waana u shaqeeyey oo kooxdu way ka badbaaday inay muquurato
badweyn dayn ah laakiin marka laga eego dhinaca awooda kooxda wuxuu
ahaa mid la shaqeynayn xiligaas la joogay kaasoo kooxda ku keenay inay
heerkii ay taagnayd hoos uga dhacdo taasoo ay halkeedii buuxiyeen
kooxihii la iibsaday ee maal gelinta lagu sameeyey sida manuted
mancity iyo chelsea waxaana kooxda sanadba sanadka ka danbeeya soo
gaadhayey hoos u dhaca aakhirkii keenay inay ka hadho inay u tartanto
koobka champion league ee kooxaha yurub ugu tunka weyni ku tartamaan
Inuu ku saxsanaa go, aankaas isu dheelitirka hanaanka maaliyadeed ee
kooxda oo xilka wareejiyo mudo 22 sano ka dib iyadoon wax dayn kooxda
lagu lahayn oo weliba garoon caalami dhisay iyo inuu ku qaldanaa oo
kooxda qayrkeed ka reebay wax koob prime league ah ku guulaysan 14
sano oo xidhiidh ah taariikhda ayaa kala sheegi doonta
Hadal iyo dhamaan macalin wenger guul iyo mustaqbal wanaagsan ayaan u
rajaynayaa sidoo kale kooxda arsenal waxaan u rajaynayaa inay
guulaheedii looga bartay dhaqso u soo ceshan doonto

Jaamac cabdillaahi suleymaan
Berbera somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker