Maxaad Ka Taqaanaa Dalka Ay Dadkiisu Ugu Dhaadheer Yihiin Caalamka?

Holland waa dhulka ay ku nool yihiin dadka ugu dhaadheer caalamka: celcelis ahaan, ragga u dhashay dalkaas waa 182.5 sentimitir, halka haweenkuna yihiin 168.7 sentimitir oo dhirir ah, marka loo fiiriyo dhiggooda Mareykanka oo dherirkoodu yahay 177.1 sentimitir iyo 163.5 sentimitir, siday u kala horreeyaan.

Balse taasi ma ahan in maalin walba ay sitaa tahay.

Sida lagu sheegay daraasad lagu sameeyay ciidanka Nederland, oo ay daabacday Royal Society of London, bartamihii qarnigii 19-aad ragga reer Holland ah waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu gaagaaban Yurub.
Barafasoor Louise Barrett oo ka tirsan jaamacadda Lethbridge University ee Canada oo daraasadda qayb ka ahayd, ayaa tiri “1860, dherirka ciidanka Nederland wuxuu ahaa qiyaastii 165 sentimitir.”

Barrett ayaa intaas ku dartay in “xilligaas, ragga Mareykanka ay dherir ahaan gaarayeen qiyaastii 5 inji”.

Si kastaba ha noqotee, tan iyo waqtigaas waxaa jiray isbeddel layaableh: 160-kii sano ee la soo dhaafay, ragga reer Holland waxaa dherirkooda ku kordhay 20 inji, halka dhiggooda Mareykankana uu ku kordhay laba inji oo keliya.

“Koboca noocan oo kale ah waa mid dhakhso badan oo loo aanayn karo arrimo la iska dhaxlo oo keliya,” ayay tiri Barrett, inkasta oo ay rumaysan tahay in qaabka dabiiciga ahi uu wax ku biiriyay.

Barafasoor Barrett Baaritaankeeda waxay ku ogaatay in lamaanayaasha ugu wax soo saarka badan ee dalka Nederland ay yihii kuwa ugu caruurta badan isla markaana ah ragga dhaadheer iyo dumarka dhaadherer.

Haddaba ka warran lamaanaha Mareykanka ah? haweenka way gaaban yihiin, raggana waa isku dherir celcelis ahaan. Deegaanka ayaa sidoo kale gacan ka geystay kororka dherirka dadka reer Holland.
Waxyaabaha kale ee gacan ka geysan kara kororka miisaanka ayaa ah nafaqada: dadka reer Nederland waxay si dhab ah u daneynayaan cunista cunnooyinka caanaha laga sameeyo. Cilmi baaris ayaa muujisay in tani ay gacan ka geysatay kororka dherirkooda.

“Waxyaabahan caanaha laga sameeyo waxay xoojiyaan lafaha koritaankuna wuxuu kuxiranyahay helitaanka nafaqooyinkaas jirka kujira,” ayay tiri Barrett.
Daraasadda ku saabsan farqiga u dhexeeya dalalka uu dadkooda dherirkoodu sarreeyo iyo kuwa dherirkoodu hooseeyo, waa 20 sentimitir ama ka badan.

Si la mid ah wiilasha 19 sano jirada ah ee ka soo kala jeeda 11 dal oo ku yaalla Aasiya, Latin Amerika iyo kuwa ka hooseya Saxaaraha Afrika waxay ahaayeen dherir la mid ah 13 jirada Holland. Si kastaba ha noqotee, kulligeen waan kornay.

Sida ku xusan diiwaanka la hayo, bani’aadamka wuxuu dheerirkiisa kordhay labadii qarni ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Eirini Marouli, oo bare ka ah Jaamacadda London.

“Ragga waxay ka kaceen qiyaastii 1.60 mitir ilaa 1.70 mitir, dumarkana 1.50 mitir ilaa 1.60 mitir,” khabiir ku takhasusay arrimaha dherirka ayaa sidaa u sheegay weriyaha BBC-da Melissa Hogenboom.

Guud ahaan waxaan la dhihi karaa celceliska qaangaarka maanta boqolkiiba shan ayuu ka dheer yahay awoowayaashii noolaa 100 sano kahor”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker