MADAXWEYNE; GARSOORKAAGU WAA MID EEX LEH!

{CADLIBAA WAX DOOJEE, WAX KALOO RAG DEEQOO
DADKA LAGAGA EED BAXO, NIN U DOONEY HELI WAA}

Dharaarahan waxa aan afka u xidhay, waxa aan is lahaa dalku wuxuu geli doonaa isbedel lagu badhaadho, oo ummadda reer Somaliland laysku soo dhaweeyo. Waxa ii muuqata shacabkeenii oo sii kala qabsamaya, sii kala durkaya, oo naxli lagu dhex beerayo.Anigu Suldaan ahaan, werwer gaar ah bay arrintaas igu haysaa. Waxa aan u nisbaynayaa hoggaan xumo AAN DHAAFSIISNAY ARAGTI QABYAALADEED OO QAAWAN.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI:

Waxa aan ka filanayey in AAD UMMADDA REER SOMALILAND si cadaalad leh ugu garsooto. Waxa aan filanayey in aad dadka mideyso, oo xanafatii doorashadu REEBTAY aad soo gebo-gebeeyso. Waxa aan kaa filanayey in aad ARAGTI CUSUB oo horumar dalka ku soo kordhiso, dalkana u jeexdo jiho cusub oo badhadhaadhe.

Suldaan ahaan taasi maanta iima muuqato. Waxa aan arkayaa Madaxweynihii oo sii laasimay aragtidii qabyaaladeed ee dalkan adhaxda lagaga jabinayey. Waxa ii muuqata ifafaalo musuq-maasuq iyo dawlad xumo. Waxa ii muuqata in aad dadkii danyarta ahaa ee ku doortay aad baal-martay tabashooyinkoodii. Maciishadii oo nagu qaaliyowday, sicir-barar nagu habsaday. Taas badalkeeda waxa aad noogu badashay in SHACABKA SOMALILAND EE DUNTA AH aad kala siisay DARAJOOYIN iyo KALA-MUDNAANSHO.Waxa ii muuqata xulasho aan haboonayn oo xal ah, lagana tagay xulkii dalkan badbaadin lahaa.

SHACABKII shalay qoraxda kuu taagnaa, ee horumar hilaadinayey. Bal MAXAAD UGU BADASHAY???????

Waad u kala sad-burisay. Waad kala saraysiisay ummadii ku hanweynayd. Qaar xilal aad u tiro badan baad ku taxday, qaarkoodna marti baad ka dhigtay. Beelaha JEEGAANTA loo bixyey (ee Habar Awal iyo Habarjeclo) ayaad si QAAWAN xilalkii qaranka ugu SAD-BURISAY. IYAGIINA WAAD U KALA EEXATAY. Beeshaadii SACAD MUUSE ayaad u kala sad-burisay. Bal maadhe, garsoorkaaga u fiirso???????? Jufaddii aad ka soo jeeday ee Xuseen Abokor ayaad XILALKII QARANKA u loogtay, oo aad u dhiibtay XILALKII qaranka ugu shilisnaa. MAANTA JUFADAADU WADARTA SAAMI-QAYBSIGA AY KA HELEEN WAA AY KA BADAN TAHAY WADARTA GUUD BEELAHA KALE EE SACAD MUUSE.

Bal u fiirso xilalkan, dabadeedna bar-bar dhig xilalka beeshaad kale ay heleen:
1- Maareeyaha Madaarada
2-Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada
3-Maareeyaha Hey, ada Nerad
4-Maareeyaha Wakaalada Biyaha
5-Agaasimaha Guud ee Baanka
6- Safiirka Djibouti
7- Safiir kuxigeenka Ethiopia
8- Meyorka Caasimada
9-Gudida Qandaraasyada Qaranka
10-Agaasimaha Somaliland investment Compony.
11. Safiirka Belgium
12. Taliyaha Ciidanka Dab~damiska
13. Taliye ku xigeenka Sirdoonka
14. Gudoomiyaha Haydaha Sakooyinka

XILALKAASI waa jufada aad ka soo jeedo ee XUSEEN ABOKOR. Dalku reerkaaga oo keliya ma aha, iyaguna cod keligood kuma ay siin. Madaxweyne ha nagu kalifin in aan si QAAWAN kuula xisaabtano. Waxa aan ka sugaynay Garsoor iyo horumar eeSHACABKA SOMALILAND u HARAAD QABAAN.

SULDAAN AXMED CABDI ASKAR,
Suldaanka Dhallinyaradda Somaliland

suldaanaxmedbarre@outlook.com
Gobolka Gebiley

 

Suldaan Axmed Barre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker