Maayarka Oodweyne & Mooshinkii Dhicisoobay! Sayid Maxamed Darwiishka

Siddeed xildhibaan ayaa siddeeddii  subaxnimo isugu yimid Xarunta Dawladda Hoose ee Degmada Oodweyne. Shir indho xidhan oo af xidhan ayay ku qabsadeen  hool af xidhan. Waxa ayna sheegeen in ay qabsadeen mooshin ay Maayarka Oodweyne taladii kaga xayuubiyeen, xildhibaan kale na ay maayar cusub u gu cumaamadeen. Balse, yaabku wuxuu yahay, Xildhibaannadu isma ba ay wayddiin sida iyo sifada wax loo rido iyo wali ba sharciga loo maro. Yaabka kale na waxa uu yahay tiradooda oo yareyd, dawladda oo aan ogayn iyo waliba qaab darrida ay u wadeen mooshinka oo ahaa mid qalad ah  qaabxuma na ay ku lammaaneyd. Xitaa Baadhisaabkii uma ay yeedhin ee iyaga ayaa heello laasqoray iska tuntay. Heelladaas oo markii danbana  ay dawladdu amar ku joojisay kuna tilmaamtay mid wax ba kama jiraan ah.

Xildhibaannadii  mooshinkoodan sirgacan waday ayaa rabay in maayarkoodan cusub ee gacan ku rimiska ah in ay ku siiyaan  cunto aan la calaalin. Wayna siiyeen, balse cuntadii waxa ay dhaafi wayday cunihiisa, sidaa darteed Xildhibaankii waa uu ku margaday, kaddibna waa uu  soo tufay isaga oo leh, “Alla qadhaadhaa wuxu.” Kaddib mooshinkii xildhibaannada iyo walwalaaqii ay wadeenba halkaas ayuu ku soo afjarmay, sababta oo ah sharci baanay u marin.

Waxaa laga yaabaa, in ay warbaahintu arrintan ku tilmaamto dhacdo jirta, balse xaqiiqda waxa ay tahay in aannu  arrinkani ahayn mid jira, balse wuxuu ahaa mid dhicisoobay. Sidaa darteed waa in dhegta midig laga  maqlaa ta bidixna laga sii daayaa, lana ogaadaa in Maayarka Degmada Oodweyne  uu yahay  midkii awilba ahaa maayarkeeda, waana Cabdixakiin Nuur Muuse.

Ugu danbayntii, Dawladda mid ayaan leeyahay, Maayarka mid ayaan leeyahay, Xildhibaannada na mid ayaan leeyahay.

Dawladda Soomaalilaan waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin halka aad ka istaagteen dhex ahaanshaha arrinkan u dhexeeya Golaha Deegaanka iyo guddoonkooda sare, waana aad ku ammaanan tihiin sida aad ugu sargoyseen sharciga iyo waliba sida aad u caddeyseen in aanu sharciga waafaqsaneyn.

Maayarka waxaa aan leeyahay, adigaa ah Duqii Degmada Oodweyne, sharciga ayaana kaa dhigay ee hawlahaaga shaqo sidoodii ku wado. Xildhibaannada na waxaan leeyahay: Fadlan cunnada iska calaaliya  inta aydaan liqin sababta oo ah caafimaadka uma fiicna in aad duuduub ku liqdaan.

Sharcigu ha sarreeyo.

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka
Awdaahir2050@gmail.com
Oodweyne, Soomaalilaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker