Ujeedada ka danbaysa in Muuse Biixi markale golaha wakiilada u soo gudbiyey sadexdii xubnood ee ay diideen .

Muuse Biixi ayaa markale golaha wakiilada u soo gudbiyey sadexdii xubnood ee ay hore uga diideen inay ka mid noqdaan guddida doorashooyinka qaranka.

Xildhibaanada Habarjeclo ayey wararku sheegayaan inay hada ku qasban yihiin inay u codeeyaan xubintii ay hore u diideen ee deegaankooda ka soo jeeday maadaama oo hada ay isku aragti ka qabaan Muuse Iyo Maxamuud Xaashi oo saamayn ku leh go’aanada ay gaadhaan xildhibaanadani.

Muuse Xasan Yuusuf oo ka soo jeeda bariga Burco Isla markaana Muuse Biixi la doonayo gudoomiyaha komishanka ayaana rajaynaya in la ansixin doono.

sidoo kale Axmed Cismaan Xasan oo ka soo jeeda Boorama oo hore loo diiday ayaa markale madaxweynuhu ku soo celiyey golaha wakiilada, halka Axmed Yuusuf Maxamed oo ka soo jeeda bariga Sanaag oo aan la hubin in golaha guurtidu dib u soo magacaabay diidistii hore ee wakiilada ka dib ayuu Muuse Biixi u soo gudbiyey golaha wakiilada.

waxa la dhawrayaa go’aanka ay markale ka gaashaan golaha wakiiladu xubnahan ka mid noqonaya guddida doorashooyinka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker