Ugandha : Laba bil ayaa la Xirayaa Qofkii Aan Xiran Afsaab (Mask)

Dadka reer Uganda ayaa wajahaya laba bilood  oo xadhig ah hadii ay jebiyaan sharci cusub oo ay dowladda ka soo saartay xakameynta xanuunka COVID-19.

Sharcigan cusub ayaa dhigaya in qofkii ku tukada banaanka, qofkii aan xihdan af-saab ama Mask, qofkii wax ku iibiya banaanka, ama badeeco jidadka ku wareejiya la xirayo laga bilaabo bishan July.

Dowladda Uganda ayaa aaminsan in ficiladan ay yihiin kuwa faafinaya xanuunka COVID-19, iyadoo dalkaasi laga diwaan geliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub.

Muunado dadka laga uruuriyay horaantii bishii tagtay ee June ayaa muujinaya in nooca Corona ee Delta ee markii ugu horeysay lagu arkay India uu yahay midka hadda ku faafaya Uganda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker