Maxay Warbaahinta Imaaraadka Carabtu Uga Aamustay Socdaalka Madaxweyne Biixi?

Warbaahinta Imaaraadka Carabta, ayaan wax warbixino iyo warar ah ka diyaarin socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalkaas.

Madaxweyne Biixi iyo wefti uu hoggaaminayo oo Sabtidii toddobaadkan socdaal ku tagay magaalada Abu dhabi ee dalkaas, ka dib markii sida ay madaxtooyadu sheegtay martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas, ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyay wasiirka cadaalada ee UAE, waxaanu qaabka loo soo dhaweeyay u muuqday mid ka miisaan culus qaabkii kal hore loogu soo dhaweeyay dalkaas.

Laakiin ka sokow soo dhawayntaas, Warbaahinta Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay si uun uga gaabsatay inay ka hadasho socdaalka uu Madaxweyne Biixi ku joogo dalkooda, iyadoo ay Somaliland iyo Imaaraadku leeyihiin xidhiidh wax wada qabsi.

Sannadkii hore bishii April markii uu Madaxweyne Biixi ku tagay socdaalka dalkaas UAE, warbaainta Imaaraadka Carabta ee isugu jirta Wargeysyada, Telefishanada iyo Shabakadaha wararka, ayaa si weyn u faaqiday socdaalkaas Madaxweyne Biixi, iyadoo dunida u soo bandhigay ahmiyada ay Somaliland u leedahay gobalka Geeska Afrika iyo sida ay uga duwantahay Soomaaliya oo ay xorriyadeeda kala soo noqoday, waxaana xataa la sameeyay kulan warbaahineed uu Madaxweyne Biixi warbaahinta kula hadlay. Warbaahinta kal hore qaadaa dhigtay socdaalka Madaxweyne waxa ka mid ahaa Al Bayaan, Gulf News, The National iyo kuwo kale oo badan.

Hase yeeshee, socdaalkan maanta, ilaa shalay oo ah Arbaca ma jirto mid ka mid ah warbaahinta Imaaraadka Carabta oo safarka Madaxweyne Biixi warbixin ka qortay ama ugu yaraan tabisay inuu Madaxweynaha Somaliland socdaal ku joogo dalka UAE.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker