Xuutiyiinta Dalka Yemen oo Dawladda Imaaraadka Uga Digay Faragelinta Dawladda Soomaaliya

YEMEN(OWN)- Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay cambaareynayaan faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta ay ka waddo Soomaaliya.

Farriin uu Twitter-kiisa ku daabacay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Maxamed Cali Al Xuuti ayuu ku sheegay in Imaaraadka aysan xusuusan casharka lama illaawaanka ah ee shacabka Soomaalida ay u dhigeen Mareykanka, waxaana uu sidoo kale sheegay in inta aysan arrintaas oo kale ku dhicin ay isaga baxdo arrimaha Soomaaliya.

 

“Waxaan kula talineynaa Imaaraadka inta ay goori goor tahay in ay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Soomaaliya,haddii kale waxaa ay wajihi doonaan waxa aan la illaawi karin ee ku dhacay Mareykanka.”ayuu yidhi Maxamed Cali Al Xuuti.

 

 

Warka Xuutiyiinta waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dalka Yemen ay duqeyn ka wadaan isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee uu Imaaraadka xubinta ka yahay.

 

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay Shirkadda DP World in ay dib uga fiirsato heshiisyada Dakadaha Soomaaliya, halkaas oo ah halka uu ka billowday khilaafka labada dowladood.

 

Maxamed Cali Al Xuuti

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker