WAXAA CAJIIBA CABDIWELI GAAS OO U DOODAYA BUUR MADAW OO WELI MA LA ARKAY ISIN PUNTLAND AH OO WADDANKIISA WAX KA SHEEGAYA AMA MADAXDIISA KA BEEN ABUURANAYA WAA MAYA

Cabdiweli gaaska puntland waxaan leeyahay waraabow bood oo xagga hilbaa u bood, waxaan uga socdaa halkaa u darnayd ama uu jeclaa in loo yidhaahdo ayuu uGu dhuftay waxaana dad xog ogaali sheegayaan in Been madaw lacag waxoogaaya guntiga loo geliyey la yidhina hadalkaa noo dheh, warkaa aan hoos u xuuraamayna waxaa marag ma doon u ah ama biyo kama dhibcaan weligeed lama arag qof arrin dad gaari qabsadeen qof marti ah oo hadal aan meesha munaasib ku ahayn sheega waayo xaflad dhaqan bay ahayd waxuuna mar keliya u rogay siyaasad oo xaflada dhaqanka ka mamnuuca.
 
Hadaad adigu dhuuhaysid oo aad dhababacaynaysid —(Buur madaw)
Dheg-xumo iyo ceeb iyo hadaad dhiiqo fadhanaysid
Dhaqanka iyo magicii hadaad dhab u wareemaysid
Dhabarkoo la godo iyo hadaad xumo dhitaynaysid
Dhaxalkii Awoowiyo hadaad dhaqankii tuuraysid
Natiijada sawirka boqor buur madaw sawiro
Saadhigii hindida iyo hadaad xidhato koofidii dumarka
Ama aad cunaabi aad u dheer sudhatid dhuuntaada

Ama aad dhantaashoo gacmaha jijimo soo gashato
Sida dhiriqda xoolaha hadaad. hadalka tuuryeyso
Dhex-yartii haween iyo raggoo madal is dhaafaaya
Qof ba dhumucda iyo muuqa iyo dhaashigiyo shaalka
Waxa la isku dhaataa ba! waa dheeha kii kale’e
Dhudi iyo dhammaha wiil ba, waa guri dhisaalayne
Mid waliba wuxu dhawrayaa kii dhigiisa’ahe
Dhuux iyo labeen buu rabaa uu la dheelmado’e
Hadaad adigu dhiil qaawan tahay yaa ku dhugan doona?
Waar ilayn anagaa wax araganay bal raggii kale oo dhamina waxaa uu ku jeeni qaaran yahay Go’yaal shaala Been madawna waxaa uu soo xidhay cunaabi iuo jijimo xagee salaadu iska qaban la’dahay waxaa uu yidhi waxna lagu waxna lagu yidhi bal kaalay adba furdaami hadaba waxan ina horyaal yaa jawaab waafiya inaga siiya Qaarna waaba u barooranayaan waar bal horta soo baadha macnahiisa ka danbeeya ninkan Cajiiib !!!!!!!!!!!!!!
Bal bahdilaada intaa leeg ee ninkaa sheeganaya boqorka illahay (sw) ayaa boqoree bal eega oo waxaan sheegaya maaha wax aan ku caayayo ee indhahiinay hor taalaa waana aragtaan dhaqan xumada uu meesha la tegay iyo bahdilaada sidii Gabadh Dhibaad doonatay  Cunaabida ka laalaada iyo Jijimaha gacmaha loo geshee dhab uGu laafyoodo, bal qoodhiin iyo xerediin ila eega anigu waan yaabanahay maaha wax macquula waa Qariib (SNL).
CABDI CALI OBSIYE
 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker