Dawladda Maraykanka ay fara-gelisay xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan Magaalada New York ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay fara-gelisay xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa xusay in Mareykanka uu doonayo in labada dhinac uu wada-hadal la yeesho, si xal looga gaadho khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dowladda ay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa tilmaamay in Magaalada New York uu kulan kula qaadan doono Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres iyo xubno ka tirsan Golaha Ammaanka QM.

Kulanka labada dhinac uu la yeelan doono ayuu Wasiir Cabdirisaaq sheegay in looga wada-hadli doono xidhiidhka xumaaday ee Somalia iyo Kenya iyo sidii ay wadashaqeyn labada dal ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.

“Horay waan u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxaan aad uga xunahay in Kenya ay nagu waddo faragelin, hanoqoto arrimaheena gudaha iyo xuduudaheena oo ay kusoo galaan ogolaanshiyo la’aan,” ayuu yidhi Wasiirka oo la hadlaayay VOA-da.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December ee sanadkii 2020 xidhiidhka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker