” Waa In Maxkamad La Soo Taago Xukuumaddii SIILAANYO Oo Khiyaamo Qaran Ka Galeen Dalka”

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ka mid ah siyaasiyiinta Madaxa bannaan ee Somaliland inta badana ka hadla xaaladda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsheed ee dalka ayaa waxa uu si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka isaga oo wax laga xumaado iyo fashil soo gaadhay milgaha dawladnimo ee qarankeenna ku sheegey hadalkii ka soo baxay dawladda Imaaraadka Carabta. Isaga oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in si degdeg ah dalka looga saaro shirkadda DPWorld iyo hawlwadeenadeeda dibna Somaliland u qiimayso xaaladda heshiiska Dekedda Berbera.
Madaxweynaha Mustaqbalka, Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Hargeysa waxa uu dhaliilo culus u soo jeediyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu ku baaqay in si degdeg ah caddaaladda loo hor keeno xubnihii ka masuulka ahaa heshiiska Imaaraadka oo uu ku sifeeyey khaayimiin qarankooda khiyaameeyey. Siyaasiga oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan arrintaasi hadalka Imaaraadka u arkaa in sumcaddeennii dhulka la jiiday iyo bah-dilaad weyn. Waxa aan u arkaa qaran dumisnimo wixii aynu 28-ka sannadood soo dhisaynay oo meel lagaga dhacay ayaan u arkaa. Hore in badan ayaan anigu uga hadlay qoladan Imaaraadka. Hore ayaan u sheegay oo aan u idhi waar innaga dani inooguma jirto qolyahan Imaaraadka Carabtee dantooda uunbay wataane aan iska ilaalino. Dekeddan waxa aan jeclaa anuu in aan aqoonsi uun ku baddalno wax ka sokeeya oo aynu ku baddalanaa in aanay jirin oo ay inoo goyso ee wax ka yar aynaan qaadan. Xukuumaddu waa in ay tallaabo cad iyo go’aan cad ka qaadataa. Maanta iyagii baa is fashiliyey, xukuumadda iyo Madaxweynaha waxa la gudboon in ay tallaabo degdeg ah ka qaadato”.
Dhinaca kale Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu sheegay in hadalkii xukuumaddii hore iyo waxa ay dadka u sheegi jirtay iyo waxan dambe ee xaqiiqadu tahay ay tahay arrin aad u kala duwan sidaa darteed ay khiyaamo qaran galeen loona baahan yahay in sharciga la hor keeno. Siyaasiga oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Wixii ay hore Madaxda dawladdu umadda ugu warramayeen ee ay dadka ku qancinayeen iyo waxan dambe ee ka soo baxay waa wax aad u kala fog. Fool iyo lulmo kala fogaa ayay Soomaalidu tidhaa. Waa wax aad u kala fog aadna aan isu qaban. Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxa ay samaysay khiyaamo weyn oo qaranimo. Heshiis ay Soomaaliya saxeexday oo ay iyagu ka yihiin gacan yarayaal ayay la soo gashay Imaaraadka. Ninka Imaaraadka u hadlay waxa uu yidhi Soomaaliya ayaanu heshiiska la galnay iyaga ayaanan aqoonsanahay buu yidhi. Somaliland waxa uu yidhi mana aqoonsanin qunsuliyadna nooma joogto. Waxa ay tani ku tusaysaa in ay khiyaamo qaran oo weyn ay sameeyeen xukuumaddii hore ee Siilaanyo. Waxa aan qabaa in tallaabo cad laga qaado xubnihii xukuumadda Siilaanyo hawshan u waday oo waliba maxkamad la soo taago. Xukuumaddan iyo shacabkaba waxa aan xasuusinayaa in wakhtigii dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa lagu tuhmay in uu cilaaqaad la samaystay Koonfur, tuhun kaliya ayay ahayd. Waatii la ogaa in Baarlamanka la isugu yeedhay oo maamuus ka xayuubin lagu soo oogay. Waxa uu ku badbaaday hal cod. Hadda tuhun bay ahayd. Tanna waa wax cad oo aynu arkayno maanta. Waxaan qabaa in tallaabadeeda laga qaado xubnaha xukuumaddii hore ee hawshan gacanta ku hayay”. Ayuu yidhi Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker