Ururka Alshabaab oo dhisaya Baarlamaan Matali doona Somalia

Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay soo bandhigeen qaar ka mid ah ergadii dooratay  Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo tegay deegaannada Shabaab ay Gacanta ku hayaan, kadib markii Ay u direen Amar ay ugu baaqeeen inay u yimaadaan  dhinaca Al-Shabaab.

Qeybtii saddexaad ee ergada soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxaa ay kusoo bandhigeen deegaanka Buullo fulaay ee gobolka Baay, kuwaas oo gaadhaya ilaa 76 Ergo.

 

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegen in ergooyinkan ay kamid yihiin kuwii doortay xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari oo mar soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hayeeshee khilaaf soo dhex-galay isaga iyo xukuumadda Soomaaliya uu isku casilay.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay deegaanno kala duwan kusoo bandhigeen Ergooyin ay sheegeen inay ahaayeen kuwii doortay Baarlamaanka Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale waqti dheeri ah ugu daray kuwa aan weli ku tegin waqtigii hore ee loo qabtay oo ahaa 45 cisho, hayeeshee uu ka dhamaaday, iyaga oo aan tegin .

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in deegaannadeeda aysan kusoo laaban karin ergooyinkii qaatay amarka Al-Shabaab ee tegay deegaannadooda,iyada oo qaar kamid ah ee soo laabtay Xabsiga la dhigay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker