SHARCIGA CIDNA KAMA WEYNA BUURMADOW WALAALKIIYOW WAXAA LAYSKU XIDHAYAA XAMAR BAAD TAGTAY QABIILNA MA XIDHAN MUUSE WEYDII

Dadka qaar baan aad ula yaabaa markay Qabiil isla soo taagaan oo aan is idhi malaa yaraanta ayaa keenta in wax iska cabin uun lagu jiro iyo qabiil soo hadal qaadidi waxaan maqlaayey mid lagu sheegayo suldaan oo leh farbaan iska soo xidhay Been madaw awgii iyo mid ay walaalo yihiin oo leh dad baa lahaa maa la xidho oo waa xanaftii ka dhalatay doorashadii waxaan idin odhan lahaa aad yar is dejiya faanka iyo cabaadka dumar baa lagu ogaa oo weligoodaba inatay tafta xaytaan qaylin jiraye nin waa kii calool adaygee.
 
Hadda waxaad ku jirtaan dhiishaa dhaansi iyo dhuuso afuuf aan waqtigan loo baahnanayn, Been madaw walaalkii wuxuu sheegay ragg baa beryahaa gabadh la xishay oo lagu sheegayey niciima qorane lahaa waxay tagtay xamar kana hadashaye maxaa Been madowna loo soo xidhi waayey, waa sax waa in Been madow Muuse taxaabo weliba qol Uraaya la geliyaa sakhraamiintana lala xidhaa waayo wax ma dhaamo waa ninka garoowe tegay ee markuu Moorgan arkay dib u kaajay waxaa la yidhi hal libaax arkaysaa ma godlato wuxuu ku dhuftay muusaan war ka sidaa xaguu kaga sidaa muuse ee loogu wakiishay waa hadal baqe ka keenaye.
 
Mida kale maxaa ka si ahaa waa ninka kuul isku sii taxaye ee sindiyona gacmaa gashtaye ma waxaynu aragnaa koofiyadii hablaha yar yar madaxa ciidaha loo gelin jirayna xidhay Salaamaad, hadaba waxaan odhan lahaa nimankan Qiiro jabaanta haya bal jeelka uGu taga waydiiya xaaladiisa in uu yahay qof fayow oo maskaxdiisu tamaam tahay iyo in la sito oo wax ka si yihiin cajiib!!!!!!!
See the source image
Hadduu caawa igu yidhi badda cagaha geliyoo Soo xidho cunaabiga horta ninka aad sheegaysaan waa ninkaa saadhiga iyo cunaabiga iyo weliba jijimaha la hortegay ragguu u tegay si xishoodlehna uga hor yidhi Madaxweynahayagii baan fariin idiinka sidaa soo dhowaada waxaan sidaa ciidamadaan idinka qaadayaa, weliba xaalbaan idin siinayaa hadana khasaarihii dhacay baan bixinaynaaa jileecaas xagee laga keenay ma moorgan baa soo eegay mise wax kalaa weheliya side xaal yahay maxaa jira, cajiib!!!!!!!
 
Takhaantukhin afkay dhulka u dareen, tuutaley badane
Waa kii tawaawacay intuu tolaay ,diray tayaaq dheere
Dadku inuu ka soo taagan yahay tolow yaa idiin sheega
Ma tognee hanaankii dawladnimo,  waa tabcayn jiraye
Qarankan buur madaw,  uGu filan turun turayn jaane
Tusmo iyo hab dhaqankii puntland, tuurta lagu qaaday
Waakii ku dul kufay nuglaan,  socodka tag waaye
Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye
Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
Ninkaan galin godkii wathtigu, wuu is tarayaaye
Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
Tincad qodax gabowda, tifbay kaaga sii tagiye
 
Waxaan u sheegayaa nimanka Qabiilku googooyey ee aan garanayn wax kale maxaa loo xidhay been madaw la soo taaganow ma dawlad baan nahay mise qabiilo, haday jawaabtu tahay dawlad waa la xidhayaa haday tahay Qabiilona kuwa uGu liitaad tihiin ee uGu nugul qabiilka markaa dhidhibsada adeerayaal inta aanu muuse gaadh idinka qaban mujaahidku ma qoslee mana kaftamo, waxaan leeyahay waa la doortay farbaan iska soo xidhayaa waxaasi shaqayn maayaan weliba meelakalaa layska xidhayaa waxaan idiin leeyahay sida ragga u hadla sida bilcamaa haw hadlinee.
 
Kan farta iska xidhaya ee leh way I dhiigaysaa miyaanu illahay aaminsanayn oo ka baqayn in illahay (sw) dhiig ka shubo isagoo caafimaad ilaalahy siiyey miyaanu ogayn in badan oo dalka dad joogta oo xanuunsan agoomo ah dayacan haraadan caruur agoona gaajaysan dumar sasy sida caydhoobay intuba isku meel ku nool yihiin maxaa keenay Been madaw baan u ooyayaa oo ninkaa kibray ah aflagaadada cayda iyo shaqadii dawlada intaba ku jira
 
Inyar aan iraahdoo marnaba- aan iloow galine
Ugub curatey oo xiran aseey- oo ilmadu daadan
Hooyada Agoon haysatoo- iishay odeygeedi
Awlaad la dilay aabahood- oo arlada jooga
Oon iyo haraad ba,an qaboo- oo ilxumo hayso
Umaqnayn aroor ay sugaan- waa ayaan xumo eh
Iyadoo ibtilo iyo colaad- Horey u aafeysey
Itaal iyo awood aan lahayn- Sii abaarsade eh
Irsaaq ay la aadaan afkiyo- oomatiba waayey
Iil suge dhamaan wada tahiyo- aaska geerida e
Xoolihiina ay ka baxeen daadsan fadh fadhiisay
Oo Been madawna qanjidhadu kareen iyo kirishku.
ABDI CALI OBSIYE
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker