S/LAND LA WADA LEYAHAY DOORASHO IYO DAGAAL MIDKEE LAGU HELI KARA? FAALO QAYBTI 2AAD

Shirka walaalaynta iyo Nabadeeynta  beelaha Waqooyi, kaasi oo qabsoomay horaanti bishi 5aad 1991-kii, waxa aanu socday muddo afar cisho ah. Talooyinkii shirweynahaasi laga soo jeediyey wuxuu ka koobnaa hal beeyj waxana golaha ka akhriyay xooghayihi Guud ee shirka Aadan Axmed Diiriye (adan barandho) waxaanu Ku bilaabey sidan “Shirka Aayo-ka-talinta Beelaha Woqooyi ee uu gogosha dhigay gudomiyihii SNM Cabdiraxaman Axmed Cali((Cabdiraxmqan-tuur)) oo ay so ajiiben Guurtida, Suldaammada, Odayaasha iyo waxgaradka kale ee Beelaha Woqooyi oo maanta lagu qabtay magaalada Burco. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.
Qodobbadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob
1. In Waqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Waxa sidoo kale jiray Qodob toddobaad oo ay mujaahidiintu soo jeedisay oo la xidhiidhay amaba ku taxnaab in Mujaahidiinta qaddarinta iyo mudnaanta la siiyo marka shaqooyinka la bixinayo oo la ogolaaday.
Magacyadii Xubnihii saxeexay gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanku waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.
Markii ergada shirkii Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay natiijada shirka madax-dhaqameedka, waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah: In mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xagga shaqada, kaas oo la oggolaaday.
Waxa isaguna qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee SNM, waxa la soo hordhigay go’aamadii shirkii Guurtida, waxa Golaha dhexe culays lagu saaray in ay ansixiyaan go’aamada ka soo baxay Guurtida, gaar ahaan qodobka madax-bannaanida Somaliland, sidaas ayuu Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” ugu dhawaaqay la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland ay Ingiriiska ka qaadatay 26/Juun/1960-kii. Waxa lala oogsaday sacab iyo mashxarad.
Go’aannada ugu waawayn ee shirkaas ka soo baxay waxa ka mid ahaa:
1.In guddoomiyaha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah
2. In SNM xilka hayso muddo laba sannadood ah oo kala-guur ah: 18/5/1991 ilaa 18/5/1993.
3. In muddaddaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.
4. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayn oo noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.
5. Waxa kal-fadhigii 2-aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay.
Ku-Dhawaaqistii Gooni-isu-Taaga Soomaalilaan.
Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, gaar ahaan, Guriga shirku ka socdey wuxu Ku yaalay xafada  shacabka  Burco oo u dhow jamacada burco Shirkan oo u gadhwadeen ka ahaa hogaamiyihi SNM Cabdiraxaman Tuur iyo Ku xigeenkisi Xassan Ciise Jaamac waxaanu gudoonka u magacaabey guddoomiye ku xigeenkii SNM Xasan Ciise Jaamac, oo Shirka hogaaminayay Waxaan goobti Shirka ka sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Soomaalilaan ee taliskii Max’ed Siyaad hubka isugu dhiibay.
Dhinaca Golaha Guurtida waxa Guddoominaayey Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf.Xooghayaha Guud ee shirka Wuxu ahaa Aadan Axmed Diiriye((Adan barandho))………………
La soco qayba Danbe
Qalinkii: Khadar Kaariye Cune

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker