Qaddiyada Somaliland oo Lagaga Hadlayo Baarlamaanka Midowga Yurub

Waxa  magaalada Brussels ee  xarunta baarlaamaanka Midowga Yurub  lagu qabanayaa  22-ka Bisha May ee  fooda innagu soo haysa Shir Lagaga hadlayo  dawladnimada Somaliland  iyo dimuqraadiyadii ay u dhacday 2017-kii  doorashadii madaxtooyada  oo caalamku qiray xornimadeedii.

 

 

Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaa shirkan  wada jir u qaban-qaabinaya ururka dalalka aan la aqoonsanayn ee adduunka iyo xildhibaan  Frank Engel oo u dhashay  waddanka Luxembourg oo  ka tirsan  Baarlamaanka Midowga Yurub.

 

 

War-murtiyeed ka soo ka soo baxay shaa qabanqaabiyeyaasha shirkan ayaa lagu sheegay in shirkani uu ka dhashay  midhihii ka soo baxay  doorashadii sida xorta ah uga dhacday Somaliland 13-kii November 2017-kii iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay xukunka iskugu wareejiyeen madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Waxa kae loo ururka dalalka aan la aqoonsanayni ay ku doodeen in Somaliland ay dimuqraadiyad ugub ah ka samaysay Geeska Afrika oo ah mandaqad aan degaynayn.

 

 

Shirkan lagu soo qaadayo Jamhuuriyadda Somaliland  waxa ka soo qaybgali doona masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo  Dr. Michael Walls oo ahaa madaxii  goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ee kor-joogtaynayey doorashadii Waddanka ka qabsoontay oo   hore u amaanay hufnaantii doorashadu u qabsoontay.

 

 

Ururka waddamada  aan la ictiraafin ee adduunku  waxay intaas ku dareen in kulankani  uu kor u qaadi doono  xidhiidhka caalamiga ah iyo dedaalka Somaliland ugu jirto inay madax-bannaanideeda u hesho aqoonsi.

 

 

Waxa kale oo ay iftiimiyeen in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha bud-dhigga ah ee laga doonayo qarammada madaxa-bannaan ee adduunka, waxaanay sheegeen in Somaliland ururka dalalka aan la aqoonsan xubin ka ahayd ilaa sannadkii 2004tii.

 

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker