Boris Johnson oo iska casilay Xubinimada Baarlamaanka UK

Boris Johnson Ra’iisulwsaarihii hore eeUK ayaa iska casilay xubinimada Baarlamaanka UK kadib markii uu sheegay in “lagu qasbay” in laga saaro baarlamaanka sababo la xiriira fadeexadii Partygate.

Boris johnosn ayaa si hordhac ah u arkay warbixin ay soo saareen guddi xildhibaano ah oo ku saabsan in uu marin habaabiyay golaha shacabka iyo in kale.

Qoraal iscasilaad ah oo uu soo saaray ayuu guddiga ku tilmaamay “Maxkamad Kangaroo ah” oo ujeedkeedu ahaa “in dambi la igu helo” ayuu yiri Boris Johnson.

Hogaamiye ku xigeenka xisbiga shaqaalaha Angela Rayner ayaa Johnson ku tilmaantay “fuley” kaas oo oo aan aqbalayn mas’uuliyadda ka dhalatay ficilkiisa.

Iscasilaadda Johnson waxay dhalin doontaa doorasho ku celis ah oo laga qabto kursigiisa galbeedka London ee Uxbridge iyo South Ruislip

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker