Dawlada Boqortooyada Sacuudiga oo Caddaysay Mawqifkeeda Xidhiidh ay la Samaysato Yuhuuda

Riyadh (OWN) – Sacuudiga ayaa sheegay in aysan Imaaraadka ku raaci doonin Xidhiidhka uu la sameystay Israel ilaa iyo inta Yahuuddu ay Falastiiniyiinta la saxiixanayaan heshiis nabadeed oo caalamka laga Aqoonsanayahay.

 

 

Imaaraadka Carabta ayaa todobaadkii lasoo dhaafay waxa uu noqday wadankii ugu horreeyay ee Gacanka Carbeed ku yaalla ee xiriir toos ah la yeesha Israel. Heshiika taariikhiga ah ee uu Maraykanku gadaal ka riixayay waxaa uu keenay filasho in Sacuudiguna ku xigi karo.

 

 

Laakiin kadib maalmo aamusnaantiisa laga shakiyay, ayaa wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Feysal bin Farhan Al Saud waxaa uu meesha ka saaray suurta-galnimadda in Sacuudigu uu heshiis la gaadho Israel illaa inta laga xalinayo arrinta Falastiin.

 

 

“Waa in nabad lala gaaraa Falastiiniyiinta,” taasi oo ku saleysan heshiisyadda caalamiga ah, sidoo kalena shuruud u ah hagaajinta xiriirkeena, ayuu Amiir Feysal u sheegay warbaahinta xilli uu joogay Berlin.

 

Markii taas la gaaro wax walba waa suurtagal,” ayuu hadalkiisa ku daray, hadalkiisu waxaa uu waafaqsanyahay meeshii uu Sacuudigu uu arrinta ka tagnaa.

Sacuudiga warkiisu waa uu caddaa, inkastoo uu sanadihii dambe xiriir qarsoodi ah la lahaa Israel, taas oo uu soo kordhiyay Dhaxal Suge Maxamed bin Salmaan.

 

 

Hadalka Amiir Feysal waa kii ugu horreeyay ee boqortooyadda tan iyo markii Imaaraadku uu la heshiiyay Israel, kaasii oo ah kii seddaxaad ee Yahuudu ay Carabta la gaaraan, waxaana uga horeeyay Masar iyo Jordan.

 

 

Isagoo sii kordhinaya cadaadiska Maraykanka, ayuu Jared Kushner oo la taliye u ah Donald Trump waxaa uu sheegay in danta Sacuudigu ay ku jirtu in uu xiriir rasmi ah la sameysto Israel.

 

 

 

Waxaa boqortooyadda layrka ku sii shiiday, Ra’iisul Wasare Benjamin Netanyahu oo sheegay in Israel ay ka shaqayneyso in ay diyaaradaha Israel ee u socda Sacuudiga ay maraan hawada Sacuudiga.

 

 

 

Laakin Sacuudiga oo ugu dhaqaalo badan Dunida Carbeed, islamakaana hoy u ah meelaha barakeysan ee Islaamka waxaa uu wahajayaa xisaab siyaasadeed oo ka xasaasisan midda Imaaraadka.

 

 

 

“Talaabo uu Sucuudigu u qaado in uu noqdo dalka xiga ee xiriir la yeesha Israel waxay ahayd wax aan la sugeyn” ayuu yiri Casiis Al-Alghashian oo macallin ka ah jaamacadda Essex.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker