Cali Sandulle miyaa loo tahli kari waayay wax ka badan booqasho?. W/Q Cabdi Muxumed

Waxaa iska caado noqotay in qof ay ku timaaddo tabaalo adduun sida caafimaad darro
ama masiibooyinka adduunayda ee kale mid ka mid ahi, in aan war badan laga hayn amaaan cid badani danayn oo la iska illoobo, kolbana dhinac laga dhaafo taasi oo caadi ka noqotay Somaliland muddadii ay jirtay ee hadda laga jooggo 27 sano ama calaa xaaliya.

Cali Sandulle ayaa ka mida dadka taasi ku dhacday, ee aan Xukuumad ama Ganacsato ama siyaasiyiin ku sheeg u dhashay gobol kasta iyo Degmo kasta oo Somaliland ku taalla iyo waliba Qurbo-joogga oo aan ka mid ahay, inaan laga yeelin waajibkii uu lahaana aan la marin. Taasna inta ugu badan ay xanbaaran doonto eeddeeda xukuumadda hadda talada Somaliland haaneedisa, ee uu hor boodaha ka yahay Muuse Biixi. Taasi oo aanay guud ahaan taariikhdu cafin doonin dadka u dhasahy Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna Xukuumadda oo ah ta looga fadhiyo inay wax ka qabato tabaalada dadka guud ahaan, gaar ahaan inta markaa u liidata ee uu Cali Sandulle ka mid yahay.

Waa marka aad ogaanayso inaan wax laga dheefaa jirin in xukuumad ka dhisan Afrika laga soo mid noqdo, ama waajibkii qarankaasi kugu lahaa aad sida uu yahay uga soo baxdo. Taasi oo abaalkaagu uu noqonayo in hareeraha lagaa dhaafdhaafo, sida hadda haysata Cali Sandulle kaasi oo wax badan ka soo taray nabadda iyo degganaanshiiyaha ka jira gobolka Sool oo uu u dhashay iyadoo gobolkaasi ay muddo dheer ka jirtay xasillooni la’aan, lana odhan karo Cali Sandulle waxa uu ka mid yahay dadkii dhidibadda u taagay nabadda maanta dadka reer Laas-caanood ku naalloonayaan inta Alle ka sokaysa.

Taasi ma aha wax lugu sii tiigaalo, ee maanta guud ahaan dadka reer Somaliland waxa hor yaalla guud ahaan Xukuumad iyo dadwaynaba sidii Cali Sandulle caafimaadkiisa wax looga qaban lahaa oo loo badhi taari lahaa. Iyada oo aynu ognahay inaan kaligii ilyo qoyskiisu hawsha baaxaddaa leeg wax uga qaban lahaayeen. Waxaan hore u arkay muuqaalo booqasho u badan oo ay halkaa ugu tageen dad hore madax u ahaa, sida Siilaanyo iyo Xildhibaannada ka tirsan golaha deegaanka ee Laas-caanood iyo dad kaleba.

Laakiin taasi ma aha ta Cali u noqonaysa Abaal celin iyo in caafimaadkiisa ay wax ka tarto waayo hadda waxa uu u baahan yahay daawayn. Taasina ma aha mid suurta gal ka ah Hargaysa ama guud ahaan Somaliland, oo aan ognahay heerka dayacnaanteedu ay gaadhsiisan tahay oo la odhan karo waa mid aad u liidata, oo aan wax badan ka tari karin Cali iyo inta la mid ah ee u jiifta xanuunno la mid ah, daryeelkaaasina wax badani ka dhiman yihiin hadda oo aanu xoog uga jirin Somaliland.

Waxa ila taraaray Qalinka ee waxaan jeclaa inaan ku soo Af-meero maqaalkaygan kooban in guud ahaan aan fadhiga ka kacno haddii aan nahay guud ahaan dadwaynaha Somaliland u dhashay oo isku duuban, taasi oo ay hormood ka tahay Xukuumadda Muuse Biixi oo xilka ugu ballaadhani saaran yahay sidii Cali wax looga qaban lahaa tabaalaha caafimaad darro ee haleelay.

Doorka labaad waxaa iska leh Maaqlabeenadda reer Somaliland oo ay tahay inay wax tar la taaban karo u hidiyaan Cali Sandulle. Doorka saddexaad waxa iska leh qaybaha kaga jira gobolka Sool goleyaasha Somaliland haddii ay noqon lahayd Ka Wakiillada, Guurtida ama kan xukuumadda oo ay tahay inay dhawaaq dheer ku gaadhsiiyaan dhagaha Muuse Biixi, oo kara in caafimaad-raadinta Cali Sandulle loo diro Dhakhtar dibadeed, oo ka tayo roon kuwa Somaliland oo aan hubo inay wax badan ka tari karaan caafimaad darrada Cali Sandulle haleeshay.

Doorka afaraad waxa iska leh dadwaynaha reer Somaliland gudo iyo dibad, oo iyana haddii ay wax tara yidhaahdaan Cali Sandulle doorkooda ciyaari kara. Haddii intaa la waayo waxa ay noqonaysaa in Cali oo abaal badan dadka iyo dalka ku lihi ku dacdaroodo caasimadda Somaliland ee Hargaysa, waa sida ay hadda xaaladdu tahaye wax badanna kama beddeli doonto booqasho Cali loogu tagaa.

Cali booqasho uma abaahna ee waxa uu u baahan yahay in caafimaadkiisa wax looga taro haddii kale waa dix-dhagaxeed oo dheguhu uma daloolaane dadkaan la hadlayaa baan lahay dux iyo iimaane. Waa sidii uu hore ugu tilmaaamy Abwaan Timo-cadde dadka reer Somaliland iyadoo ifafaaluhu u muuqdo inaan Cali duruuftiisa la moogganayn, ee ay uun xaaladdu ku soo ururayso sidaa Abwaan Timo cadde sheegay oo aan wax isbeddela oo ilaa maalintaa ilaa maanta aan la arkayn in dhago fayo qabo la iksu dhegeysto oo aan iska sii ahaano dix-dhagaxeed.


Qore: Cabdi Muxumed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker