Hargeysa: Horumarka Xarumaha Ganacsi ee Caasimadda iyo Doorka Shirkadda GOB STORE oo ballaadhin lagu sameeyey

Hargeysa (OWN)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa xalay xadhigga ka jaray dib-u-habayn iyo ballaadhin lagu sameeyey Xarunta Ganacsi ee Gob Store oo nooceedu ku yar yahay Somaliland.

Xarunta Ganacsi ee Gob Store ayaa macaamiisheeda alaabta kaga iibisa Nidaamka Casriga ah ee Online Shopping oo ah in qofku isaga oo gurigiisa jooga alaabta uu doonayo uu ku dalbanayo ama kaga iibsanayo Internekta, iyagoo qofka loogu geynayo goobta uu joogo.

Maamulaha Guud ee shirkadda Gob Store Cabdiqani Axmed Abraar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dib-u-casriyeynta iyo ballaadhinta lagu sameeyey Xarunta Ganacsi ee Gob Store iyo Adeegyada cusub ee ay ku soo kordhiyeen meheradda.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker