QALINJABINTAADU WAA GUUSHA WADAANKAAGA, INAAD SHAQO HESHAANNA WAA MID GACANTAADA KU XIDHAN: W/Q RAKAD MAXAMED SULDAAN

Hambalyo Dhammaan Ardaydii ka qalin Jabisay Jaamacadda Hargeysa oo tiradoodu ahayd 937 Arday Runtii waxay ahayd guul innoo soo Hoyatay waxaanna u sabab ahaa in aynu Guullahaas is daba socda Gaadhno nabada iyo xasiloonida aynu haysanno.
Waxaan Markasta ku Faraxsan ahay Qalin jabintiina iyo aqoonta inoo korodhay waxaanan leeyahay  Ardaydaas, waxaad cagta saarteen Jidkii rajada iyo guusha , wax badan waad soo dhammeyseen wax badanna waa idiin hadhsan yahay, waxaanna la idiinka baahan yahay dedaal iyo hal abuurnimo adkeysi leh.
Haddii aad Maanta Qalin jabiseen waxa idin Horyaalla caqabado shaqo iyo kuwo shaqsiba se guusha iyo Helista shaqo waa mid ku xidhan gacantiina iyo Jidka aad qaasaan dawladeenu awood ay shaqo ku abuurto ma hayso se cidda la doonnayo innay dawlada saxdo oo hal abuurnimo la timaado waa idinka, waxaan markasta idinkula talinayaa shaqo raadsadda , shaqo abuura , shaqo kastanna qabta, ha niyad jabina, ha quusanina, ha ka daalinna inaad xafiisyadda aad shaqada ka doonnaysaa ku noq-noqotaan xataa haddii aannay shaqo waydaan ” Mutadawacnimo” Internship ka codsada.
Caqabado badan baa idin Horyaala kuwaas oo aan qorshe dawladeed loo hayn oo Shaqo la’aantu ugu horreyso, se idinka la idinka rabo Qorshe iyo hal abuurnimo xeel dheer, shaqo la’aanba baahsan baa jirta, dalkiina waa buuxaa waa ta rabo innaad Xalisaan, waa ta la doonnayo innaad wax soo saartaan cidda hawshaa qaban kartaa waa idinka oo iskaashada fikir iyo ficil shaqana yeesha.
Dalkiina Aamina, dalkiina jeclaada, ka shaqo idiinku yeedha u shaqeeya ka dibna dadkiinna  caawiya u adeega, dhulkiinna Beerta, Ilaaliya oo fayodhawrkiisa ka shaqeeya.
Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga Alle ha idinka dhigo kuwo dadkooda iyo dalkoodaba Anfaca, Guuleysta,  Hal abuurnimo la yimaada, midnimo leh, waxaanna laydinka baahan yahay innaad fadhiga ka kacdaan oo idinku isa soo saartaan qofkasta Wixii shaqo yaalla ha qabto wixii uu abuuri karo ha abuuro, se Ballankeenu waa Kaca oo shaqeeya kana shaqeeya shaqo-kasta oo idin hor timaada.
Shaqo waa ta taalla ee maah taad Rabtaan Habkasta u shaqee si aad iskugu filnaantaan waayo-aragnimo shaqo na u yeellataan.
Aragtidaada igula soo wadaag.
Facebook:  Rakad Mxd Sultan
Gobolka: Berbera

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker