Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Libya
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay biyaha wasakhaysan iyo nadaafad la’aanta ka jirta bariga Liibiya ee daadadku ku dhufteen ayaa ka dhigan in dadka halkaas ku sugan ay halis weyn ugu jiraan cudurro halkaa ka dillaaca.
Waxay sheegtay in kooxo ka socda sagaal hay’adood oo Qaramada Midoobay ah ay bixinayaan gargaar bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan xirmooyinka caafimaadka degdegga ah oo taageeri doona 15,000 oo qof muddo saddex bilood ah.
Kumanaan qof ayaa ila hadda dhintay.
Ilaa hadda 11,300 oo qof ayaa la og yahay inay dhinteen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 10,000 oo qof ayaa weli la la’yahay.