“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Silaanyo Isku Casili Gaadhay,Warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadka Madaxweyne Silaanyo-na Waxa Uu Ahaa Mid Wanaagsan. “

Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Silaanyo Isku Casili Gaadhay,Warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadka Madaxweyne Silaanyo-na Waxa Uu Ahaa Mid Wanaagsan.

Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buuga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen,guulna ma gaadheen,Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.

Wabilaahi Tawfiiq.

Xigasho /Pageka Ex Wasiir
Mahmoud Hashi Abdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker