Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Hadal ka soo yeedhay Dowladda Imaaaraadka Carabta
Xukuummadda Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal ka soo yeedhay Dowladda Imaaraadka Carabta oo sida laga soo xigtay sheegtay in heshiiska maalgeshiga Dekedda Berbera ay ogolaanshihiisa bixisay Dowladda Soomaaliya, arrintaas oo muran siyaasadeed ka dhex abuurtay gudaha Somaliland.