Xog muhiim ah: Waraysigii Wasiirul dawlaha Imaaraadka iyo turjumaddiisa W/Q Maxamuud Ismaaciil Barreh
Waxay u muuqataa in lagu dawakhay welina la hadal hayo waraysigii ay BBC da qaybta Carabdu la yeelatay Wasiirul Dawlaha Arrimaha Debedda ee waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta Mr Anwar Qarqaash oo la waraysatay muddo hal usbuuc laga joogo.
Waraysiga oo arrimo farabadan lagu falaqayeey ayaa inta Soomalida khusaysaa ama Somaliland ha ahaato ama Soomaaliyaba ee u egtahay warbaahinta AfSoomaaliga wax ku gudbisa inay qaarkood si qaldan u turjumeen.
Waxaana la arakay muuqaal o waraysi ah, laakiin AfSoomaali lagaga ddul hadlayo , kaas oo ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba dooda badan iyo sawaxan , qof wailbana u turjuntay sida uu jecelyahay.
Haddaba halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa waraysiga inta Soomaalida khusaysa oo dhan oo sideedii ah ( aan laga dul hadlayn) iyo turjumaddiisa.
Su’aasha BBC da (daqiiqadda 1:30, waxaa bilaabmay waraysiga inta Soomaalida khusaysa)
Su’aasha inta hore la maqli mayo .. ‘’Si aan loo fahansanayn adduunka Carabta , maxaa meesha ka jira?’’
Anwar Qarqaash : ‘’ Waxaannu ahayn dawladda Carbeed ee qudha ee dhaqdhaqaaq iyo taageero ku leh Soomaaliya si xasillooni uga dhacdo muddo laga joogo 20 sano, hadday noqoto tababarro, horumarinta ciidamada badda iyo la dagaallanka budhcad badeedda. Markii ay bilaameen arrimaha budhcad badeedku taageero ayaanu Soomaaliya u gudbinay sida qawaaniinta ku saabsan budhcad badeedka iyo shirar caalami ah oo aannu hormood ka ahaynna oo aannu qabanay. Waxaannu kaloo ka caawinnay arrimo iyo qawaaniin la xidhiidha khilaaf xuduudaha ku saabsan arrimaahaasuna waa socdeen’’.
BBC da: ‘’Markaas maxaa dhacay?’’.
Anwar Qarqaash: ‘’ Haa, iyada oo arrimahaas laga duulayo ayaa waxaa jiray Isfahan cad oo ku salaysan in siyaasadda Soomaaliya midnimo u sal tahay, isla markaana in Somaliland oo ahayd qaybtii Ingiriisku xukumi jirey waqti hore inaanu la macaamilno oo ka samaynno horumar iyo xidhiidh dhaqaale. Isfahankaasna waxaannu la galnay dhawr xukuumadood oo isaga dambeeyey Soomaaliya. Waxay ila tahay kadib waxaa dhacay doorashadii ugu dambaysay ee Soomaalyia ka dhacday ayaa waxaa mandiqadda ka bilaabmatay siyaasad cusub oo gees gees ah.Siyaasaddaas cussubina saamayn ayay ku yeelattay dawladda Soomaaliya. Dhibaatada ugu dambaysey ee Soomaaliya naga soo gaadhay waa tii 4 aad ee naga soo gaadha xukuumaddan cusub, way jireen kuwa hore laakiin xal ayaanu ka gaadhna. Waxaana u sabab ah arrimo ku tidhi ku teen ah iyo arrinta la xidhiidha horumarinta dekedda Berbera taas oo fursado shaqo abuur ah iyo horumar samaynaysa iyo wixii la mid ah.
Sideedaba talaabooyinkaas aannu qaadnay ee socdey 20 ilaa 25 sano waxba ma ahaateen haddii aad gacan caawimo ka helayso [fahan , Haddii su’aalo laga qabo arrimaha qaarkood waxay ahayd in lays weyddiiyo ma aha in diyaarad la qafaasho taas oo ay saarnaayeen 47 ka mid ah ciidamada Imaaraadka ee tababara ciidamada Soomaliya iyo lacag dhan $10 m oo doolar oo ahayd mushaharka ciidamada tababarka la siiyo. Suurta gal ma aha intaad go’aan noocaas oo kale ah qaadatid inaad tidhaahdid wada hadalka waxaannu ku dhammaynaynaa qol madaw hoostii. Arrimuhu sidaas kuma dhammaadaan. Arrimuhu waxay ku dhammaadaan si waadix ah [cad]. Runtiina waxaan ku odhan karaa annagu waxaan garab taagnayn Soomaaliya marka duruufuhu ugu cuslaayeen, welina duruufahaasu waa kuwa aan sal dhigan laakiin sidii sanawaadkii hore ee aynu soo araganay waa ka soo hagaagayaan. Waxaannu ka furnay safaarad waqti aan cidina doonayn inay safaarad ka furato , waxaannuna hormood ka ahayn sidii loo caawin lahaa ‘’
BBC da : ‘’Waxaan ka fahmi karaa hadalkaas Sacaadatul Wasiir arrinta maalgashiga ee Somaliland iyo dekedda Berebera waxaa sal u ahaa is fahanka aad la yeelateen xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu Muqdisho yahay’’.
Anwar Qarqaash : ‘’Waxay ku qabsoontay is fahan cad oo aanu la yeelanay xukuumadihii hore ee Soomaaliya , isfahankaas oo ahaa mid cad isagoo tilmaamaya mawqifka siyaasadeed oo ahaa in la is garab taago midnimada Soomaaliya. Annagu qunsiliyad kuma lihin Somaliland iyo safaaradba, xidhiidh [diblomasi] lama lehin. Bal bilcakis Waxaannu kala shaqayannay dhawr madawxeyne oo hore sidii aannu hawl fududayn ugu samayn lahayn si Soomaalida aannu isu keenno oo ay u kulmaan. Waxay ku kulmeen Abu Dhabi iyo Dubai, dawrkayagu wuxuu ahaa oo qudha hawl fududayn si isfahan uga dhex dhaco. Isfahanku wuxuu ahaa haddii aanu qirno Soomaali midaysan taasuna waa siyaasaddayada , taasu isma hortaaagayso in aan horumar iyo maalgashi iyo arrimo bani aadanimo ka samaynoo So…’’
Caddayn: Waxaan isku deyey inaan u turjumo waraysaganu sida uu yahay maqalkiisu oo anoo kalsoono buuxda ku qaba fahanka iyo aqoonta afka Carabiga ah.
Waxaa xusuus mudan in laga heli karo waraysiga oo dhan BBC da , laakiin waxaan ku kalsoonahay in ay qaybtan waraysiga dheer ka mid ah ee Soomaalida khusaysa ay ku dhantahay xogtu.
Halkan waraysiga ke eega
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Ismaaciil Barreh
UK