Maxaad Ka Taqaannaa Magaallada Ay Basaasiinta Yuhuuddu Dalxiiska U Tagaan Ee WAdanka Suudaan Ku Taalla

Tuulada Caruus oo ku taalla saxaraha dalka Sudan ee dhacda xeebta Badda Cas ayaa noqonaysa goobta ugu wanaagsan ee aad ku dalxiisi la hayd ,balse waxa ay xarun u hayd basaasin u dhashay dalka Israa’iil .

Waxa ay ku taalaa taalaa xeebta Badda Cas ooga taalay qaybta ugu bilicda wanaagsan oo laayd muqaal cajiib ah, kana tirsan saxaraha Sudan ahaydna meel loo dalxiis tago.

Waa xeeb nadiif ah, bacaad qurux badan, laga helo kalluun kala duwan, iyada oo xayaysiinada loo sameeyay ay dad badan usoo jiiday goobtan.

Marka aad daawatid agagaarka tuuladaan waxa aad arkaysa xeebta badda waxa aadna dareemaysaa inaad sidii adiga oo riyo ku jira.

Waraaqo lagu xayaysiinayo tuuladan iyo adeegyada yaala oo kumanaan ah ayaa lagu qeybiyaa dalalka Yurub, iyada oo dadka doonaya in ay yimaadaan ay iska diiwaangaliyaan xafiis ku yaala magaalada Geneva.

Waxaa martida timaada xarunta lagu soo dhaween jiray adeegyo aad u wanaagsan ,iyagoo ka qayb qaadan jiray ciyaaro kala duwan waxaana ka muuqatay farxad iyo raynrayn.

Waaxda caalamiga ah ee dalxiiska u qaalbilsan dalka Sudan ayaa sidoo kale arrinkan niyad wanaag ka muujisey ,waxaa xaruntan imaanayey kooxo isku sheegayey inay yihiin ganacsato ka soo jeeda Yurub oo halkaan dalxiis u imaanyey.

Maamulka iyo martida imaanaysay xaruntan ayaa ka war la’aa inay meeshaan tahay meel waxba kama jiraan ah.

Hay’adda sirdoonka ee dalka Israa’iil ee Mosad ayaa xaruntan ka howlgalaysay muddo afar sano ah horaantii 1980kii.

Waxaa meeshan loo isticmaalay meel si qarsoodi ah looga daad gureeyo Yuhuudii Itoobiya, kuwaas oo waraaqo been abuur ah lagu geeynayay qaarada Yurub.

“Waxay ahayd arrin qarsoodi ah, qofna muusan ogeyn, qofka kama uusan hadlin, xitaa qoyskeyga kama aysan warhaynin” ayuu yiri Gad Shimron oo ka mid ahaa basaasiintii fuliyay hawlgalkaas.

Yuhuudda dalka Itoobiya oo ka soo jeeda qowmiyadda Beta Israel ee asalkoodii la baabi’iyey ayaa qaarkood aaminsanyihiin inay ka soo fircameen mid ka mid ah 10ka qowmiyadood ee ka soo jeeda boqortooyada Israa’iil ama Israa’iilinyiinti wehlisay boqor Solomon iyo boqorad Sheba mar ay ka soo laabanaayeen Itoobiya 950BC dhalashadii Nabi Ciis (scw) kadib.

Mid ka mid ah yuhuddii soo hartay oo lagu magacaabo Ferede Aklum,ayaa waxa uu ku biiray qaxooti ka soo horjeeday yuhuudda ku noolayd dalka Itoobiya ,isagoo u gudbay xadduuda Sudan mar uu ka qaxayey dagaallo sokeeye iyo dhibaato macluulleed. Waxa uu warqaddo u diray hay’adaha deeqbixiyayaasha isagoo caawimaad weydiisanaya ,balse waxa uu ku biiray ururka Mossad, iyadoo xilligaa,Ra’iisal wasaare Menachem oo dalka Israa’iil ka talinayey uu laftiisa qaxooti ka soo ahaa xarun ay daganaayeen Israa’iil iyo Yurub .

Ferede oo ka mid noqday Mossad ayaa bulshadiisa la wadaagay farriimo ah inay jiraan fursado badan oo u sahlaya inuu ku gaaro Qudus isagoo ku sugan dalka Sudan oo socdaalkeeda aad loo xagameeyo. Waxaa si dagdag ah loo billaabay howlo lagu badbaadinayo iyadoo yuhuudda ku nool dalka Itoobiya ay isaga baxaan Sudan oo ay u tahriibeen Yurub iyagoo sita warqado been ah. Dad iska dhigaya ganacsato Swiss ah ayaa $320,00 ku kireystay sanadkii tuulada Caruus ee Suudaan. Muddo sanado ah ayay ku qaadatay in la dayactiro tuulada, waxaana la keenay shidaal iyo biyo macaan oo laga iibsaday dadka deegaanka. Waxaa ay sidoo kale shaqo abuur u sameeyeen 15 ka mid ah dadka deegaanka ,iyagoo sheegay in shaqaala aysan ogayn ujeedada laga lahaa xaruntan ama in xaruntan maamulaan Mosad.

Dadka Itoobiya ka yimid oo qaxooti ah oo kooxo kooxo ah ayaa lagu qaadayay gaadiidka xamuulka, kuwaas oo muddo labo maalmood ah ku marayay masaafo dhan 800km. iyada oo wadada lagu marsiinayay laaluush iyo siyaabo kale oo ilduuf ah. Mr Gad oo qoray buugga Mossad Exodus ayaa ka sheekeeyay sidii dadka qaxootiga ah ee Itoobiya laga keenay ay u farxi jireen markii la daad gureynayay, iyaga oo xitaa u malayn jiray dadka hawsha u haya in ay yihiin malaa’ik Alle usoo diray. Marka xeebta la geeyo, ayaa lagu qaadi jiray doomo yaryar, kadibna la geyn jiray markab weyn oo bad weynta taagan. Sanado kaddib mid ka mid ah 130kii qof oo Itoobiyaanka ahaa oo la soo badbaadiyey saarna diyaaradda ayaa yiri.”War uma haysid sida aan dareemay markii aan galay diyaaradda iyadoo ah saqdhexe habeenkii oo aan ku suganahay saxaraha Sudan”. Markii labao diyaaradood lagu soo qaaday ayey Mossad ogaatay in dowladda Sudan uu tuhun galay ,iyadoo basaaskan aan magaciisa la shaacinin lagu qanciyey in kooxda lagu amray in ay raadinayan meelo kale oo ay diyaaradaha ku dagaan.

Jaraa’idyada ka soo baxa adduunka oo dhan ayaa sheekadan qoray 5tii bisha janaayo 1985kii ,iyadoo dowladda Sudan hakisay diyaaradihii ayna si cad ku xaqirtay inay arrintaan ku lug la ahayd,waxay beenisay eedeymaha loo soo jeedinaayey balse israa’iil ayaa tillaabadaasi ku lug la ahayd .

Mossad ayaa sii wadatay howlgalka ay ka waddeen xaruntan ,iyagoo si qarsoodi ah ooga howlgalaayey .waxaa loo yeeray nin lagu magaacabo Gad si uu madadaalo u sameeyo xilliga kirismaaska iyo dabaaldaga sanadka cusub. Bishii April 1985 kii waxaa xilka laga qaaday Jeneraal Jacfar Numeri, xaaladiina waa ay is badashay. Milateriga cusub ee xukunka la wareegay ayaa markiiba u jeedsaday sidii ay meesha uga saari lahaayeen basaasiinta Mosad, haddii ay jiraan iyo haddii kaleba si ay magacooda u wanaajiyaan. Madaxa Mossad ayaa amar ku bixiyey in xaruntan la baneeyo ,iyagoo amarkii la fuliyay isla maalintii xigtay, loona fuliyay si qarsoodi ah. Illaa 28 duulimaad oo ay dad ka buuxaan ayaa ka duushay Sudan, iyada oo mar ka mid ah ogolaansho laga haystay madaxweynihii Suudaan Jacfar Numeri.

492 qof oo Yuhuuda Itoobiya ah ayaa Suudaan looga tagay markii hawlgalkii la joojiyay si kadis ah, balse labo bilood kadib waxaa diyaarad kusoo qaaday madaxweyne ku xigeenkii Maraykanka xiligaas George W Bush, iyada oo dhammaan dadka la wada geeyay Israa’iil. Hawlgalkii daad gureynta qaabab kale ayuu kusii socday, waxaana ugu dambeyn wadarta dadka la qaaday ay noqotay 18 kun oo qof oo ah qoowmiyadda Beta ee Itoobiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker