Ganacsade Somali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Weerar xalay ka dhacay xaafada Oronjo Farm ee hoostimaada Magaalada Johanesberg ee caasimadda dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu dilay Muwaadin Somaliyed, halka lagu dhaawacy ilaa laba kale.

Dableyda weerarka geysatay oo ahaa ilaa Afar nin ayaa waxa ay gudaha u galeen goob ganacsi oo ay ku jireen ilaa Afar ruux oo Somali ah, kadibna waxa ay halkaasi ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed, waxayna dhaawaceen Saddexda kale oo gudaha Dukaanka ku jiray.

Alle ha u naxariistee Maxamed waxaa uu noqonayaa muwaadinkii labaad ee Somali ah oo lagu dilo goobtiisa Ganacsiga todobaadkaan gudihiisa, sida ay sheegeen dhalinyarada Ganacsiga ku heysata xaafada uu weerarka ka dhacay.

Guddoomiyaha dhalinyarada Somalida ee dalka Koonfur Afrika Maxamed Cumar Talyaani ayaa sheegay in todoabaadkan gudahiiisa dalka Koonfur Africa in lagu dilay laba ruux oo Somali ah, iyadoo tirada dhaawacana ay gaareyso ilaa lix ruux oo Somali ah.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Somalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Safaaradda Somaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu dhaliilaa inay gabi ahaanba ka gaabisay wax u qabashada Muwaadiniinta Somaliyed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker