Ururka ilaalinta Duur-joogta Sapo ,Oo Cambaareeyay Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland Kula Kacday Cabdi Cali Gadhle Oo Ah Khabiir U Ololeeya Duur-joogta Dalka .

Cambaareyn ka dib ,Anigoo Ah Gudoomiyaha Ururka Sapo ,Waxaan Damiir Xumo Wadaniya u arkaa Xadhiga Wasaaradda Deegaanka Somaliland kula kacday Mawaadin Cabdi Cali (Gadhle) oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,kaasi oo bulshadda Somaliland usoo bandhigay ,sidii loo joojin lahaa 8-Hareemo-cad oo Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka dhoofinayso ,kuwaasi oo dad shicib ah oo dalka ka dhoofinaayay laga qaaday isla markaana Jeelasha lagu guray ,Gaadiidkoodiina lagala wareegay.

 

Suโ€™aasha meesha taalaana waxa weeye ,hadii Wasaaradda Deegaanka Somaliland dalka ka Dhoofinayso 8-Hareemocad oo ay Wasaaradu Qiratay,Maxaa loogu diidaayay Dadkii Mawaadiniinta ahaa ee dhoofinaayay ee Jeelasha lagu Guray. ?

 

Waxaanan leeyahay Xumuumadda Somaliland ,Cabdi Cali Gadhle ,waa Mawaadin Dhab ah waxaanu xaq u leeyahay in Abaal Marin la siiyo ,Mana Gayo Xadhig ,maadaama uu si iskaa wax u qabso ah Wasaaradda Deegaanka laโ€™haa Xeerka Mam-nuucaya Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta Qoyan ee Somaliland ee baarlamaanku Ansixiyay 2016-kii halagu dhaqmo ,si loola dagaalamo Xaalufinta Deegaanka.

 

Waxaan Mar Labaad ugu baaqayaa laamaha ku shaqada leh Xadhiga Cabdi Cale Jaamac , in si Deg Deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo , Waxaan leeyahay yaan laysku qaldin arimaha Siyaasiga ah iyo arimahaย ย ilaalinta Deegaanka ku Shaqada leh ,waayo maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay in wada jir looga hortago Xaalufinta Duur-joogta iyo Dhirtaย ย ,maadaama Nolosha dadkeenu ay ku tiirsantahay Xoolaha nool .

 

Anagu Ururโ€™ahaan Waxaananu garabtaaganahay Cabdi Cali Gadhle ,Mana Ogolin in 8-Hareemocad dalkooda laga dhoofiyo ,waayo hadii Xayawaankan la Dhoofiyo waxa furmaaya Dariiqii Dhoofinta Duur-joogta iyo Goynta Dhirta.

 

Geesta kale Cabdi Cali (Gadhle) oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka ayaa ah Khabiirย ย u ololeeya ilaalinta Duur-joogta ,iyo Deegaanka waxaanu ka soo shaqeeyay Goobaha ilaalinta Xayawaanka ee USA ,SOUTHAFRICA ,BOTSWANAย ย ,TANSANIAย ย iyo dalal kale ,waxaanu 5-sano ee u danbeeyay ka shaqaynaayay Dhawristaย ย Duur-joogta Somaliland .

 

 

Waxaanu Imika ku xidhanyahay Xarunta CID Hargeysa ,waxaana lagu haystaa Maxaad noo sheegaysaa ,arintaasina waa xaq-daro.

 

Gudoomiyaha Ururka ilaalinta Duur-joogta Ee Sapo.

Mahad Faarax Cabdilaahi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker